Dalku Waxa Uu U San-Saan Eeg Yahay Xaaladii 2001 Ee Madaxweyne Cigaal, Mucaaridkii Iyo Salaadiinta Somaliland Badankooga Ka Dhex Taagnayd.
( History repeats by it self )
(Taariikhdu iyadaa dib isku soo celisa )
Xiligii xukuumadii uu hogaaminayey Madaxweyne
Maxamed Ibrahim Cigaal ayaa magaalada Burco waxa isku urursaday mucaarad xoogan
oo madaxweynaha iyo xukuumadiisa ku lidi ahaa oo uu gadhwadeen ka ahaayeen
Saleebaan Maxamuud Aaden , Maxamed Kaahin Axmed , Muj Ibrahim Dhegawayne
Cabdiraxman Aw cali Faarax iyo rag badan oo haldoorkii Somaliland ahaa.
Bishii Aug 2001 ayaa shir Burco ay ku qabteen
salaadiinta dhaqanka jamhuuriyada Somaliland oo sheegay in sameeyeen Golaha
dhaqanka isla markaana ay yihiin golaha dalka ugu sareeya oo ay yihiin in iyaga
loo noqdo sidoo kale waxaa xiligaasi la isla dhex marayey in ay qaban doonaan
shir beeleedkii 1997 cigaal ku soo baxay oo kale .
Xikigaasi wax yar ka hor waxa loo codeeyey dastuurka
jamhuuriyada 31-May-2001 oo dalku waxa uu qaatay in dastuur iyo xeerar lagu
dhaqmo nidaamka doorashada Somaliland na noqdo habka dimuqaradiyadeed ee
xisbiyada badan , xiligaasi waxa loo arkay in uu Madaxweynuhu toshay shaadh
isaga leeg oo aan lagula tartami karin habkan cusub.
Si kastaba ha ahaatee la isuma joojin ee sharcigii
ayaa la raacay ururadii ayaa lagu dhawaaqay waxaana ugu horeeyey UDUB , UCID ,
ASAD , SAHAN , HORMOOD , BIRSOL IYO ILEYS oo dhamaantood sheegay in ay yihiin
ururo u diyaar ah tartanka doorashooyinka soo socda marka ASAD laga reebo oo ka
shaki qabay nidaamka diwaangalinta iyo doorasho Cigaal gacanta ku hayo.
Waxaa haddaba Hargeisa yimid salaadiintii Burco ku
shiray oo magaalada Hargeisa isku soo shubay iyaga oo oodahoogii wata , waxaa
soo dhaweyntoodii isku khilaafay mucaaridkii iyo xukuumadii waxaana ay
salaadiintu dageen Hotel ku yaalla bariga magaalada Hargeisa iyo meelo kale,
mudo markii madaxweynaha iyo iyaga la isaga dab qaadayey ayaa xaaladu murugtay
dabadeedna xukuumadii ayaa weerartay huteel ay deganayeen oo ilaa 5 suldaan baa
la xidhay.
Qayb kale oo salaadiintii ahina isku urursatay
gurigii suldaan Barre ee garoonka Hargeisa stadium agtiisa isla markaana ay hub
urursadeen ay isku difaacaan markii xukuumadu ciidamo macal tikniko wata dul
dhigtay oo xaalada caasimada Hargeisa cirkaasi isku shareertay.
Waxaa hadlay oo la wareystay Boqor Maxamuud Cali
Carab oo cambaareeyey dhacdadaasi ahaana hormoodkii golaha suldanada Burco
lagaga dhawaaqay waxaana uu sheegay in golahani loo arkay maslaxad markii dalka
golihii wakiilada, xukuumadii iyo dadkii kooxo kala wada noqdeen oo ujeedkayagu
waxa uu ahaa gurmad iyo in la isku soo ururiyo oo marba qofkii la doorto gacan
la siiyo .
Waxaa isaguna hadlay gudoomiyihii golaha Guurtida
Jamhuuriyada Somaliland oo kaalintiisii guurtinimo ee nabadeed cadeeyey ,
yidhina salaadiinta iyo xukuumada labaduba yaanay wax dhaq-dhaqaaq ah sameynin
xabad dambena yaanay ka dhicin magaalada Hargeisa oo dadkii galay xikigaasi
ahaa hawshaa.
Waxaa la sheegay in Madaxweyne Cigaal ku gacan
saydhay sheegayna in salaadiintu qaldan yihiin dalkanina dastuur iyo sharci
leeyahay hadii aan sharcigaasi lagu dhaqmayna uu is casilayo oo uu meesha isaga
tagayo oo aanu kursiga sii joogeyn.
Xiligaasi waxa la abaabulay mudaharaado waaweyn oo
xukuumada lagu taageerayo oo ay dawladu dabada ka waday , isaga oo murugaasi
jira oo mucaaridkiina badh ku qanceen in ururada isku diwaan galiyaan qolona
Burco iska fadhiisatay oo u aragtay in aan ina Cigaal lagula tartami karin
dastuur iyo shaadh leeg oo uu toshay ayuu Madaxweyne Cigaal Geeriyooday Alle ha
u naxariisto e , markaasaa lagu dhawaaqay urur siyaasadeedkii ugu dambeeyey ee
KULMIYE, sidaasi ayaanu ku hirgalay hanaanka dimuqaradiyadeed ee axsaabta iyo
ururada siyaasadu oo doorashooyinkii ugu horeeyey lagu galay dhamaadkii 2002.
Maanta waxa ay u san-saan eeg tahay xaaladii
Xiligaasi taagnayd oo kale .
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!