Guusha Hordhaca Ah Ee M.Ne Ruto Maxaan Ka Kororsan Karnaa?

0
Tuesday August 16, 2022 - 08:52:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guusha Hordhaca Ah Ee M.Ne Ruto Maxaan Ka Kororsan Karnaa?

    Qore Xildhibaan Axmed-xiis Dharbaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore Xildhibaan Axmed-xiis Dharbaan

 

1:  Ruto wuxuu ku ololeeyey Kenya inay ka daashay raggii uu guumaystuhu wax baray iyo carruurtoodii, umadda kale (isaga oo kale) ayuu ku tilmaamay dad lexejeclo ahaan u tudhaaya dalka iyo dadka. 

Mufakarka nool ee reer Kamaruun Achille Mbembe, Guhaad Cabdi Gahayr, mutacalliin, haldoor kale, Anigana igu dar, waxa jira oo aan wadaagnaa fikir odhanaaya "Afrika waxa la dagay raggii uu guumaystuhu waxbaray ee maamulka gacanta ku qabtay".  Mr. Ruto doodda uu badka keenay ayaa sidaa la macna ah, balse, Ruto waa madaxweyne kuxigeenkii dalka - maaha outsider.

 

2: Ruto, waxa uu inna barayaa siyaasaddu in aysan ku dhisnayn cadiifad, hebel waan necebahay oo kursiga ayaan ka illaalinayaa iyo hebel waan jecelahay oo kursiga ayaan la doonayaa,  balse, siyaasaddu in ay u baahan tahay tab, xeelad, farsamo, qorshe iyo farriin ku dhisan maangalnimo oo rajo geliya bulshada. 

 

F.G.  Cadiifaddu (nooc kasta oo ay tahay) waa ay ku caawin kartaa; marar badanna guul doorasho waa ay ku horseedi kartaa, yaa huba se in ay isu beddeli karto qorshe waxtar u leh bulshada?  Si kastaba ha ahatee xarfad aad la timaado iyo qorshe ku dhisan baahiyaha bulshada ee markaa lala nool yahay, ayaa ka awood badan mar kasta oo la iska horkeeno labadooda, waa cadiifadda iyo baahida dhabta ah ee bulshada oo ku dhisan caqli.

 

Raila waa saaxiib dhaw oo reer Somaliland ah, mar walba guul baan u rajaynayaa, odayga se waxa ka daba yimid da'dii malaha oo doorkan waxa la moodaa in laga orod badiyey.



Qore Xildhibaan Axmed-xiis Dharbaan

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...