Maxaa La Gudboon Raila Odinga Ka Dib Natiijadii Doorashada?

0
Tuesday August 16, 2022 - 08:34:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa La Gudboon Raila Odinga Ka Dib Natiijadii Doorashada?

    "Buuq iyo jahwareer ayaa maanta harreeyay xarunta Bomas"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Buuq iyo jahwareer ayaa maanta harreeyay xarunta Bomas"

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Kenya ayaa ku dhawaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha, haddaba maxaa la gudboon isbaheysiga uu hoggaamiyo Raila Odinga.

 

Raila Odinga ilaa iyo hadda kama uusan hadlin natiijada doorashada. Laakiinse Martha Karua oo ah ku xigeenka isbaheysiga uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay qoraal ay ku sheegeyso, 'Arrinta ma dhammaan ilaa iyo ka dhammaato'

 

Ma hubno waxa ay ugala jeeddo qoraalkan balse dad badan waxay u arkaan in isbaheysiga Azimio ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ay ugu dambeyn Isniinta maxkamad geyn doonaan dacwad ka dhan ah natiijada ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

 

Sida uu dhigayo sharciga Kenya, musharraxa madaxweyne ee doodda ka qabo doorashada waa in muddo toddobo maalmood gudahooda uu dacwad ugu gudbiyaa maxkamadda.

Buuq iyo jahwareer ayaa maanta harreeyay xarunta Bomas ee looga dhawaaqay In Ruto uu ku guuleysatay doorashada madaxtinimada ee Kenya.

 

Waxay u muuqatay in uu buuqa ka dhashay markii qof taageersanaa Raila Odinga uu isku dayay in uu hor istaago in uu hadlo guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati.

 

Waxaana xaaladda dejiyay sarkaal ka tirsan booliska Kenya. Guddiga doorashada iyo xuduudaha ee Kenya, ayaa laba garab u kala qeybsamay, xilli la sugayey in lagu dhawaaqo natiijada kama danbeysta ah ee doorashadii guud ee ka dhacday dalkaas.

 

Kala qeybsanaanta guddiga doorashada ayaa waxay sare u sii qaaday walaacii ay qabeen shacabka Kenyanka.

 

Wakiilka madaxa doorashada ee Raila Odinga Saitabao Kanchory ayaa sheegay in kooxdiisu aysan awoodin inay hubsadaan qaar ka mid ah natiijada, sidaas darteedna aysan oggolana doonin in musharaxooda madaxweynenimo uu yimaado xarunta looga dhawaaqayay natiijada.

 

Waxay sheegeen inay jireen wax isdaba marin dhanka codadka ah. Raila Odinga wuxuu sanadkii 2017 maxkamadda geeyay natiijada doorashada, maxkamadda ayaa markii dambe waxbo kama jiraan ka dhigtay natiijada iyadoo doorashada dib looogu celiyay inkasta uusan doorashadaas ku guuleysan.

 

Wixii intaa ka dambeeyay wuxuu saaxib la noqday Madaxweyne Uhuru Kenyatta, Tallaabada uu madaxweyne Kenyatta ku taageeray Mr Odinga doorashadan ayaa loo arkayay isku day uu ku doonayo in uu ka tego raad si uu mideeyo laba qoys oo si wada jir ah ula dagaalamay gumeystihii Ingiriiska - kuwaas is khilaafay 1966.

 

Ruto iyo Uhuru waxay sanadkii 2013-kii sameysteen isbaheysi ay kaga hortagayeen dacwadihii loo gudbiyay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC kadib rabshadihii doorashada ee dhimashada horseeday ee ka dhacay Kenya sanadkii 2007-dii.

Guusha Ruto

 

Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay in Ruto uu helay 50.49% codadkii la dhiibtay halka Raila uu helay boqolkiiba 48.8.

 

Madaxwaynaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto oo khudbad jeediyay ayaa u mahadceliyay guddiga doorashada howsha culus ee ay qabteen.

 

Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay shacabka Kenyanka ee doortay. "Waa maqribno cajiib ah waxaa ay awood oo dhan u sugnaatay dadka Kenya," ayuu khudbadiisa ku yiri.

 

"Waxaan u mahadcelinayaa allihii na soo gaadhsiiyay goobta aan maanta joogno.

 

BBC


Loading...
Loading...