Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Sameeyay

0
Monday August 15, 2022 - 22:38:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Sameeyay

    "agaasimihii wasaarada ganacsiga Xamse ayaa loo bedalay wasaarada cadaalada"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"agaasimihii wasaarada ganacsiga Xamse ayaa loo bedalay wasaarada cadaalada"


Hargaysa (HWN) Muuse Biixi waxa uu isku shaandhayn kooban oo aanu shaacin ku sameeyey qaar ka mid ah agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha.

 

digreeto aan la shaacin ayuu ku badalay xubno ay ka mid yihiin agaasimihii wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Cabdirashiid Ibraahin oo loo badalay wasaarada ganacsiga.

 

agaasimihij wasaarada cadaalada Axmed Xasan Aadan waxa loo badalay wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada.

 

agaasimihii wasaarada ganacsiga Xamse ayaa loo bedalay wasaarada cadaalada.

 

agaasimihij wasaarada hawlaha guud Cabdilaahi Maxamed Maxamuud ayaa isaga la eryey isaga oo safar ugu maqan dalka Ghana.

 

Agaasimihii wasaaradda gashandhigga waxa lo bedalay agaasimaha guddida qandaraasyada qaranka.

 

Agaasimihii guddida qandaraasyada qaranka waxa lo magaacabay agaasimaha wasaaradda gaashandhigga.


Loading...
Loading...