Fursad Intee Leeg Ayay Siisay Gudoomiye Xirsi Khudbadii Madaxwayne Biixi
Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa khudbadii uu jeediyay ee uu kaga hadlay Mudaharaadkii khasaarada badan ka dhashay ee dhacay Khamiistii, sigaarana uu ugu soo qaatay gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sababtay in ay kor u qaado sumcada gudoomiye Xirsi.
Khudbadan Madaxwaynuhu
uu kusoo qaatay qaabka Xirsi ku helay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, kuna
tilmaamay nin iska helay Xisbi aan wax tacab ah galin, taas oo muujisay in
Madaxwaynuhu ka xumaaday gudoomiye-nimada Xirsi.
Madaxwayne Muuse Biixi
oo dareenkiisa laga dheehanayay mid aanay u muuqanin dhibtii iyo dhimashadii
laga dhaxlay bannanbaxii balse ay u muuqato Xirsi iyo gudoomiye-nimadiisa, ayaa
jeediyay khudbad uu ku dardaar werinaayo oo sababtay in Xirsi ka helo sumcad
siyaasadeed iyo mid shacaba oo aan la dhayeelsan karin.
Hadal haynta ka
dhalatay arintan ayaa banaanka soo dhigtay in gudoomiye Xirsi shacbiyad iyo
taageero uu ku helo weerarkii madaxwayne Biixi,
1. Tageerada
deegaankiisa oo soo kordhay
2. Tageerayaashi
Kulmiye hore dhabarka ugu sii jeediyay
3. Kasbashada
Tageerayaashii Waddani
4. Saamayn hor leh.
5. Hadal hayn badan
6. Awood Xisbi
Dadka siyaasada rogroga
iyo goobaha bulshadu ku kulanto ayaa aad loogu falan qaynayaa halqabsiga
Madaxwaynaha ee Xirsi iyo saluuga ay ka muujisay bulshadu hadalka Madaxwaynaha.
Madaxwayne Biixi iyo
Gudoomiye Xirsi ayaa hore iskugu seegay Xisbiga kulmiye wakhtigii Xukumaddii
Siilaanyo ay ka wada tirsanaayeen Xisbigaas, wakhtigaas oo Xirsi ka baxay
markii Madaxwayne Siilaanyo uu Xisbiga Kulmiye u cumaamaday Muuse Biixi, balse
gudoomiye Xirsi ayaa khudbad uu jeediyay shalay, waxa uu kaga jawaabay hadalkii
Madaxwayne Biixi.
Qore:- Ahmed-nuur
Samraawi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!