"November & December Midna Ma Jirto .Maxaa Dan Ah ".

0
Sunday August 14, 2022 - 19:56:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "November & December Midna Ma Jirto .Maxaa Dan Ah ".

    W/Q Xildhibaan Guruuje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q Xildhibaan Guruuje


Khikaafkan siyaasadeed ee wadanka ka istaadhmey wuxuu bilaabmay bidhii 12aad ee sanadkii horre isagoo ka bilaabmay soo celintii xeer No 14/21 .

 

Murankaas oo maxkamadda sarre xukun kasoo saartay bishii koobaad ee sanadkan 2022 , wuxuu kusuu uruuray in doorashadda madaxwaynaha oo ku astaysan 13 November 2022 iyo ta ururadda oo ku astaysan isla bisha November dabayaaqadeeda la isla fahmi waayo sidii la isula meel dhigi lahaa waqtiga ay qabsoomaayaan, maadama ay isku bil ku wada dhaceen .



 

Hadaba wax waliba muddo ayay leeyihiine mudadii doorasho ku qabsoomi lahayd sanadkan 2021 waa la isla soo dhaafay sabahan awgood .

 

1- maanta waxaanu joognaa badhtamihii bisha 8aad ee sanadka 2022 .

 

2- komishankii doorashooyinka qaban lahaa ma diyaarsana .

 

3- maalintii doorashadda madaxwaynaha komishanku astaynlahaa waa la soo dhaafay.

 

4- golihii wakiiladdu waa fasax oo ma joogo .

 

5- xeerkii doorashadda ururadda laggu qaban lahaa isna ma jirro.

 

Sidaas markay tahey, kol haday muuqato in aan 3 bilood iyo badhka sanadkan 2022 ka hadhay aan wax doorasho ah oo qabsoomi karaa aanay jirin , muddo xileedka madaxwaynaha iyo ururadda siyaasaduna uu dhamaanayo iyadoo midna aan la qaban doorashadiisii, oo ay cadahay in sanadka 2023 uun doorasho dhici karto , maxaa dan ah ?

 

Saw in labadda doodood ee labada dhinac ku doodayeen ee ku salaysnaa November iyo December labaduba way jabeen oo waqtigooddii ahaa 2022 waa la dhaafayaaye , saw in uun la isla meel dhigo maaha sidda doorashooyinku u qabsoomi karaan 2023 .

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...