Tahriibihii Shalay Ee Noqdey DUULIYAHA MAANTA

0
Sunday August 14, 2022 - 09:57:24 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tahriibihii Shalay Ee Noqdey DUULIYAHA MAANTA

    Nageeye Mohamed Hassan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nageeye Mohamed Hassan

Tani Waa sheekada xiisa Leh Ee Duuliyaha Da'da Yar Ee Wadey Diyaaradii Maanta Lagu Furey Madaarka Burco


Libaan Waa 25sanno jir u Dhashey Somaaliland Hiladii  2012kii Ka Tahriibey Dalka Wuxuu Gaadhey Dalka Libia Oo Ahaa Ilaa Hadana ah Halka AY Dhalinyarada Guud Ahaan somaaliyeed Ka galaan Wadamada Yurub.



Waa Dal ay badiisa Tahey Dhagar qabto Ay Inagaga  Maqan Yihiin Oo Ay Si Fiican u Taqaano Sida Loo Liqo boqolaalkun Oo haldoorkii xoogii, Maskaxdii Dhalinyarada ah Walow ay  Ugu Yaraan Intaa 10laabkeedna Ilaahey Subxaanahuu Watacalaa Uu Ku badbaadiyey Si Qaxoontinimo Ahna  ay u joogaan Wadamadaas Ay Tahriibka Ku Galeen.


Hadaba Libaan Iyo dhalinyaro la socotey Rafaad Badan Ka dib Markii ay Galeen Wadanka Libia Waxey Ku beegmeen Xili Badu Aad u kacsaneyd Oo Ay Halis Halis Dhaaftey Aheyd in ay Bada Isku Biimeeyaan Iyagoo Habeen Walba Heleyey Warka dhiilada Leh Ee Sheegayaa Dooni Badu liqdey Oo Lagu hoobtey


Nasiib Wanaag Libaan Wuxuu Ka war Heley in ay Jirto xero Qaxoontinimo Oo Dalka Mareykanku Ka Dhisey Xadka u Dhaxeeya Libia Iyo Tunisia,Xeradii Ayuu Galey wuxaana Mudo Yar Ka dib loo Qaadey Gobolka Washington state Ee Cariga Mareykanka,Libaan Wuxuu Ku Dedaaley Inuu Rumeeyo riyadiisii Aheyd In Uu Mar Uun Noqdo PILOT (duuliye), Wuxuuna Galey school Lagu Barto Culuumta Duulye Nimada Waanu Ka Aflaxey Wuxuuna Noqdey Duuliye iyo Farshaxan Faraha Lagaga Gubtey Oo Saacado Badan Hawada Mushaaxiya Noocyada Kala Duwan Ee Diyaardaha.


Waxa Iyana Cajiiib ah in Libaan Uu Xirfada Duuliye Nimada Sii Barey Ilaa Afar Dhalinyarada Somaaliyeed Ee Ku Nool Cariga Mareykanka Kuwaas Oo Iyana Ah sida Macalimkooda Libaan Duuliyeyaal Sare.


Ugu Danbeyn Waxa Uu Libaan Ii sheegey in Qoyskiisu Ku Noolyihiin Magaalada Boorama Ee Casimada Gobolka Awdal,Sidoo Kale Wuxuu Si Dareen Leh Iigu sheegey In  Uu Aad Ugu Faraxsanyahey In Uu Maanta Dalkiisa Ku Soo Laabto Oo Xirfadiisa Duuliye nimo Ugu Shaqeeyo Shacabkiisa Uu Jecelyahey. Isagoo Hargeysa Inuu Soo gaadho ay Ku Qaadatey Wax Ka Badan Hal isbuuc Madaama Oo Dalalka Ay Soo Marayeen qaarkood ay cimiladoodu Aad u xumeyd.


Nageeye Mohamed Hassan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...