Maantana Farbaan Maydhaya, Geelu Wuu Fadhiyayaa,Araweelo Ficilkeed.

0
Saturday August 13, 2022 - 10:15:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 481
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maantana Farbaan Maydhaya, Geelu Wuu Fadhiyayaa,Araweelo Ficilkeed.

    W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Ismail Abdillahi Handuleh


Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim[A,S,C,W,R,W,B],

 

Tu khaas ahna bahda H/W iyo akhristayaasha.

 

 

Foolaan dhalayniyo,Farsamooyin ugubaad,

 

fagaraheena keenten,Fajac noqoyo muranki,

 

Faliwaalibuu dhalay,Firidhise wada jirkeenii,

 

Fuushe laamo foorora,Faalba u baxay daran,

 

Fadhiyo yeeshe badano,Felegaa marorsamay,

 

Fashilma odayadiyo,Furdamin waaye guurtidi,

 

Faraha talo ka haadayo,Faankeeni soconwaayo,

 

Foolxumaynu dhaxalno,Madaxdaan fayoobayn,

 

Ficiladii islaamahiyo,Foofin mayno xoolahanba,

 

Farbaan maydhaya weliye,Geelu wuu fadhiyaya,

 

Faqash bayna dhaantoon,Filayaa in loo badanba,

 

Fiisana looma baahno,faraskeenii laga badiye,

 

Foorahan dhacaayiyo,Ficiladaan arkaayaayoo,

 

Fadqalaad abuurteen,Foolxumadan colaadeed,

 

Firinbigaw tumaysayen,Farahad dhiiga gelisen,

 

Fakaloonka shacabkii,Fagaarayaasha tubanyin,

 

Fagashada dibgurashe,Farxad aanay Filahaynin,

 

Falaadhaan cirka u riday,Cidkastayba tahay filo,

 

Filanwaagan muuqdana,Foox in loo shida hadhay.

 

                 W/Q:  Ismail  Abdillahi Handuleh


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...