DEG DEG Golaha Shacabka oo ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub

0
Sunday August 07, 2022 - 12:00:10 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG Golaha Shacabka oo ansixiyay Golaha Wasiirada Cusub

    Buuq badan kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa amray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Buuq badan kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa amray



Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, iyaga oo ku ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.


Kulanka oo guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 277 xildhibaan, balse ka hor ansixinta ayaa waxaa buuq sameeyay qaar kamid ah Xildhibaannada oo dalbanayay in codeynta Xukuumadda laga dhigo qarsoodi balse Guddoomiye Aadan Madoobe uu diiday.



 

Buuq badan kadib Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa amray in la bilaabo codeynta, waxaana ogol ugu codeeyay 229 mudane 7 ayaa diiday halka 1 uu ka aamusay.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in sidaasi lagu ansixiyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, iyada oo Isla goobta lagu dhaariyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Loading...
Loading...