Muuse Biixi Oo Markale Soo Diiday Ganacsato Ugu Tagtay Ergo Ahaan Si Khilaafka Doorashooyinka Ay Ugala Hadlaan
Muuse Biixi Oo Markale Soo Diiday Ganacsato Ugu Tagtay Ergo Ahaan Si Khilaafka Doorashooyinka Ay Ugala Hadlaan
Madaxweyne Muuse Biixi oo ku gacan saydhay ergo ay isku dayeen ganacsatada ugu waaweyn Somaliland.
Guddoomiyaha shirkada Telesom Cabdikariim Maxamed Iid, Maareeyaha guud ee Sherkada Dahabshiil Cabdirashiid Maxamed Siciid, Mulkiilaha Sherkada WorldRemit Ismaciil Axmed ayaa ergo ahaan ugu tagay Madaxweyne Muuse Biixi.
Ergada Ganacsatada ayaa daaranayd xaalada Waddanku ku jiro ee abaarta, sicir-bararka iyo khilaafka cakiran ee siyaasadda, waxayna ka codsadeen inuu Waddanka u tudho oo xaalada cakiran dajiyo tanaasulna sameeyo.
Sida xogo kulankaas ku dhawaa sheegeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa u qadimay ganacsatada diidmo qayaxan wuxuuna ku wargaliyay inay faraha kala baxaan hawshaas.
Loading...
Loading...