Muxuu Ciidanka Qaranka Somaliland Kala Kulmay Degmada Boocame ee Xuduudka Soomaaliya?

0
Sunday August 07, 2022 - 08:33:14 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Ciidanka Qaranka Somaliland Kala Kulmay Degmada Boocame ee Xuduudka Soomaaliya?

    Muxuu Ciidanka Qaranka Somaliland Kala Kulmay Degmada Boocame ee Xuduudka Soomaaliya?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Ciidanka Qaranka Somaliland Kala Kulmay Degmada Boocame ee Xuduudka Soomaaliya?


Hargeisa(HWN):-Maamulka Gobolka Sool iyo ka degmada Laascaanood oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland, ayaa gaadhay degmada Boocame ee gobolkaas, kuwaas oo dadweynaha deegaanku si diirran u soo dhaweeyeen.



Degmada Boocame ayaa 78km dhinaca Koonfur-Bari kaga beegan magaalada Laascaanood, isla markaana masaafo ku dhaw Dhowr iyo Soddon KM u jirta Xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta ee Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa ka hadlay socdaalka masuuliyiinta iyo Ciidamadu ku gaadheen degmada Boocame, waxaanu bulshada deegaankaas ku ammaanay sida ay u qaabileen weftigaas oo uu ku tilmaamay tallaabo ka tarjumaysa baahida bulshadu u qabato dowladnimada iyo nidaam maamul oo si rasmi ah uga shaqeeya degmadaas maadaama ay tahay degmada gobolkaas ugu dhow xuduudka u dhexeeya labada waddan.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu ka jawaabay hadallo ka soo yeedhay maamul-goboleedka Puntland oo dhaq-dhaqaaqyada Ciidanka Qaranku ku gaadheen deegaankaas dareen sas leh ka muujiyey.

"Dawladda Somaliland marna inay xuduud kale iyo dawlad kale faro galin ku samayso diyaar uma aha, hadallada xanafta leh waxba ka odhan maayo, waxaan xaqiijinayaa in maamulka gobolka Sool iyo Ciidamadu gaadheen degmo ka tirsan gobolka Sool.

Qolada Puntland oo hadallo ka maqlayey waxay kala garan waayeen soo jiibtii iyo jaantii Soo-dhaweynta iyo Xabbaddii. Dawladda Somaliland way ku qasban tahay meel kasta oo shacabkeedu ugu yeedhaan inay tagto, dadka deegaanka ammaan badan ayaannu u ahaynaa,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Loading...
Loading...