Xisbiga KULMIYE Oo Kulan La Qaatay Masuul Ka Socda Finland Oo Hore Ula Kulmay Xisbiyada Mucaaradka SLAND

0
Saturday July 23, 2022 - 14:58:53 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1158
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga KULMIYE Oo Kulan La Qaatay Masuul Ka Socda Finland Oo Hore Ula Kulmay Xisbiyada Mucaaradka SLAND

    "kulan oo ay isku xog-waraysteen labada dhinaca, iyada oo kulan ay Gudoomiye Kuxigeenka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"kulan oo ay isku xog-waraysteen labada dhinaca, iyada oo kulan ay Gudoomiye Kuxigeenka"

Hargaysa (HWN) Masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa kulan la qaatay Ergaya gaar ah ee dawladda Finland u qaabilsan Nabada Bariga Afrika oo kusugan Hargaysa.

 

Kulankan ayay wasaarada arimaha Gudaha Somaliland ku sheegtay kulan is xogwaraysi ah, sida ay ku tidhi qoraalkan oo ay baahisay wasaaradu:-

 

"Gudoomiye koobaad ee Xisbiga Talada Haya ee KULMIYE ahna Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa kulan la qaatay Ergiga gaar ah ee dawladda Finland u qaabilsan Nabada Bariga Afrika, kulabkan oo ka qabsoonay  Xarunta dhexe ee Xisbiga KULMIYE.



kulan oo ay isku xog-waraysteen labada dhinaca, iyada oo kulan ay Gudoomiye Kuxigeenka Koobaad ku wehelinayey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiye Kuxigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Dheere, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, ahna Gudoomiye Kuxigeenka Afraad ee Xisbiga KULMIYE, Maxamuud Sacad Shaajin, Wasiirka Wasaaradda Horuumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame, Cabdicasiia Maxamed Samaale iyo Masuuliin kale”. Xafiiska Warbaahinta Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.


Ergaygan ayaa hore kulamo ula qaatay asxaabta Mucaaradka ah ee Somaliland.

Loading...
Loading...