Maxamuud Xaashi Oo La Wareegay Golihii Dhexe Ee KULMIYE Intuu Muuse Ku Mashquul Sanaa Ciro & Faysal

0
Friday July 22, 2022 - 22:31:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxamuud Xaashi Oo La Wareegay Golihii Dhexe Ee KULMIYE Intuu Muuse Ku Mashquul Sanaa Ciro & Faysal

    "Su'aasha wayn ee ay tahay in la is weydiiyo ayaa ah madaxwayne Xisbigiisii burburay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Su'aasha wayn ee ay tahay in la is weydiiyo ayaa ah madaxwayne Xisbigiisii burburay"

Hargaysa (HWN)Xoghayaha Ganacsiga ee Xisbiga WADDANI Xamse Khayre ayaa sheegay in Madaxwayne Muuse Biixi xisbigiisii Kulmiye uu qarka usaaranyahay in uu Burburo.



Xoghaye Xamse ayaa intaasi ku daray in Ururka uu ku dhawaaqay Maxamuud xaashi ee la yidhaa KAAH uu kulmiye kala wareegay tiro boqol ku dhaw oo ah masuuliyiintii golaha dhexe ee KULMIYE.


Xoghayaha oo arinkaasi ka hadlayaa ayaa yidhi :-


Gelbinta Kulmiye iyo Guusha Muuqata...

"Ilo xog -ogaal ayaa sheegaya in 95 golaha dhexe ee Kulmiye ahi ay maanta ku wareegeen ururka KAAH. Ururka kale ee HALGAN ayaa isna hore ilaa 45 xubnood oo hore u ahaa golaha dhexe ee Kulmiye ay u aasaaseen. Waxaa iyaduba xusid mudan in ururada kale ay aasaaseen badankooda xubno Kulmiye hore u ahaa.Guud ahaan 140 Xubnood baa ka diga rogtay Xisbiga lumiyay kalsoonidii dadka iyo taageerayaashiisa...


Su'aasha wayn ee ay tahay in la is weydiiyo ayaa ah madaxwayne Xisbigiisii burburay isagoo wali liisaankiisii aanu dhican isla markaana uu dhamaanayo muddo-xileedkiisii ma sii ahaan karaa madaxwayne? Talaabo sharci oo taariikhi ah baa loo baahan yahay in ay qaadaan golayaasha sharci-dejintu" ! ayuu yidhi xoghaye  Xamse Khayre .

 

Dadka siyaasada Somaliland udhuundaloola ayaa ku doodaya in ururka Maxamuud Xaashi uu saamayn adag ku yeelanayo KULMIYE.

Loading...
Loading...