Saameynta Ururrada Cusubi Ku Yeelan Karaan Xisbiyada Jira.

0
Friday July 22, 2022 - 19:54:56 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saameynta Ururrada Cusubi Ku Yeelan Karaan Xisbiyada Jira.

    "Ucid isagu waa ka ugu hor dhimanaya xisbiyada hadda jira"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ucid isagu waa ka ugu hor dhimanaya xisbiyada hadda jira"

= Sida muuqata xisbig Waddani waxa saameyn deegaan ku yeelanaya ururka Barwaaqo oo ay isku deegaan ka soo jeedaan. Intii aan ku qancin siyaasadda xisbiga Waddani waxa ay iska xaadiri doonaan golaha dhexe ee ururka Barwaaqo, si ay uga shaqeeyeen inuu soo baxo. Ololaha Gaboose, Xirsi uma babac-dhigi karo marka laga qiimeeyo waayo-aragnimada iyo dad-yaqaannimada.



= Kulmiye inkasta oo uu yahay xisbi dawladda gacanta ku haya oo taasina ay saameynteeda wadato inuu urur cusubi saameyn ku yeelan karo. Haddana haddii ay ka gaashaan waayaan way dhici kartaa inay xubno ka tagaan. Haddii se guddoomiyaha xisbiga lagu wareejiyo Mujaahid Maxamed Kaahin, oo imika ay wareejintu u salaxan tahay, wax badan ayuu xisbiga ka badbaadin karaa saameynta ururrada cusub. Gaar ahaan waxa dhici karta inuu ururka Kaah saameyn ku yeesho.


= Ucid isagu waa ka ugu hor dhimanaya xisbiyada hadda jira, waayo sannadkii 2012 ayuu dirqi ku soo baxay. Doorashooyinkii madaxtooyo ee kala dambeeyey markaad eegto natiijaddii uu keenay wax naf ahi kamay sarreyn. Sida muuqata Ucid meesha wuu ka bixi doonaa, waxaana beddeli doona xisbi xooggan oo beelaha darifyadu ay yeeshaan.

 

W/Q: Cali Cabdi Coomay

 

Loading...
Loading...