26 June Waa Maalin U Gaara Somaliland.
Sida aad ogtihiin somaliland waa dhul balaadhan oo leh khayraadkiisa una fidsan barri iyo badba.
Somaliland waxay leedahay sooyaal dheer waxayna lahayd magacyo kala duwanaa mar waxa la dhihi jiray bilaadul bunt oo waatii firaacinadu xidhiidh la lahaan jireen boqoradii masar ka talin jirtay ee la dhihi jiray xatshasabuut taasi oo usoo diri jirtay dhulkii sanaag waftiigii balaadhnaa ee xeebaha sanaag soo gaadhi jiray waftigaas oo kala kulmi jiray soo dhawayn balaadhan.
Marna waatii saylac loo yiqaanay
Mar waatii loo yiqaan somaliland British halgamayaal badnaaday ay kasoo bixi jireen aaga somaliland,ilaa laga soo gaadhayay gobonimo doonkii iyo ragii axsaabta ahaa ee ka saxeexaxay gobonimadii engriiska kana mid ahaa ragaas ninkii siyaasiga balaadhan ahaa ee la odhan jiray mohamed xaaji Ibraahim cigaal rabbi ha u naxariistee
Marna waatii dadka waqooyiga jibadu ay qaadaysay oo ay laabta u garaacanayeen helitaan shan somaliyeed taas oo ahayd caqli xumadii ugu weynayd abid!!! waayo gobonimadii aayar soo gashay dadkii reer somaliland bilaa shuruud ugu geeyeen koonfurtiisoomaaliya!! balse waa kuwii kala kulmay hagardaamo badan iyo dhib.
Haddana waatii kow iyo sagaashankii burco kaga dhawaaqasay qaranimada somaliland halkaas oo lagu dooranayay madaxweyihii ugu horreeyay ee mudane cabdirahmaan oo dadka badankoodu u yiqaaneen cabdiraxmaan tuur.
Ninkaas oo ahaa nin aqoonyahan sare ahaa iyo halgamaa weynaa ahaa
Somaliland waxay socotaba hadda ayay maraysaa meel san waxaad mooda wakhtigan kan in caalam weynuhu ay aad danaynayaan.xukuumadan biixina dalkii u qabatay wax weyn oo aan la koobi karayn korna u qaaday maqaamkii somaliland.
Somaliland oo aan wali la aqoonsan haddana waxa ay ku faro adaygeen nabadooda taas oo qofina tashuush ku furi karin.takale waxay buuxisay shuruudihii dawladnimada oo dhan
Dalka somaliland horey u soconayaan waxaad moodaa in dunidu ay aad u danaynayaan somaliland.waxaaase moodaa in quwadaha dunida xafiis ka furan doonaan somaliland taas oo dani ugu jirto jamhuuriyadda barakaysan.
Dalkaas iyo dadkaas soomaaliyana waxa aan u sheegayaa inay ogaadeen in 26june in ay somaliland leedahay kaliya oo ay iska daayaan ku xaasidka iyo ku jiqsiinta iyo ku hoorinta umada tashatay oo qayrkeed dhaaftay
Somalilandtuna fahansanyihiin umana socdaan waligood koonfur mar labaad happy 26 june
Hamse riiraash
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!