Safarkii guurka sababay. Qaybtii 2aad.
Waxa dhex'martay sheekadan;
Aamina: walaal aad baad ugu mahadsan tahay garab istaagaaga. Ma iloobi doono abaalkaaga.
Xasan: walaal wax dhibaato ah maleh, adiguba waad ii qaban lahayd hadii aan halkaagaas ku jiro maanta.
Aamina: haa walal waa runtaa.
Xasan: walaal ma gobolkan aynu u socono ayaad ku nooshahay?
Aamina: may walaal safarkan anoon filanayn ayuu igu noqday deg deg, waxaanan ku noolahay meeshaan kasoo safarnay.
Xasan: Oo walaal deg-degaas kugu kalifay innaad soo baxdo wax ma iiga sheegi kartaa?
Aamina: haa walaal, walow aanan aad u jeclayn innaan cid uga sheekeeyo arrimahayga, haddana waan isku dayi doona inaan kaaga waramo adiga” walaal waxa dhacday muddo sannad iyo badh ka hor ah ayaa waxaan la aqal galay nin qurbe joog ah oo ay igu qasbeen reerkayagu.
Ninkaasi wuxuu ahaa nin balwado kala duwan isticmaala sidaa Qaadka, sigaarka iyo qaar kale oo aannan kula wadaagi karinba. Walow uu isku dayi jiray innuu iga qariyo, haddana dadaal badan ka dib waxaan soo ogaaday innuu balwado kala duwan isticmaalo.
Habeen xili dambe ah ayaa anigoo aad u wer-wersan oo telefoonkiisana ku daalay maadaama uu dansanaa, ayaa waxa goor dambe iisoo galay ninkii oo miyir beel ah, oo kala hadlaya. Ka dib waxaan ogaaday innaanu caadi ahayn, oo isla markiiba waxaan damcay inaan u waco reerkayagii, haddana waxaan go‘aansaday innaan asturo, oo aan berri subaxa kala hadlo arrimahaas.
Subixii markii uu soo kacay ayaa waxaan weydiiyey xalay wixii helay iyo wixii uu soo sameeyey, isaga oo aan is dhibayn ayuu damcay innuu i dhaafiyo markii aan ku cel-celiyay su’aalahana wuxuu iila imid gacantiisa waanu i jidh dilay. Oo nabarkan gacantayda ku yaala isaga ayaa ii gaystay.
Waxa jirtay marar hore oo gacan ka hadal na dhex-maray, laakiinse wax isbaddel ah muu samayn. Dhibaato kasta oo aan kala kulmo ninkaas aniga ayay keligay igu koobnayd, waayo marar badan waxaan waayay cid ila dareenta dhibaatada i haysata.
Muddo ka dib markii uu alle noogu deeqay curadkayagii ayaa wuxuu damcay innuu go‘aan ku gaadho innuu reer kale samaysto. Waan murugooday, waayo waxaan ogahay xaalada aan ku noolahay. Markii aan ogaaday arrinkaas ayaan maalin subax ah ka kalahnay aniga iyo wiilkaygii yaraa guriga, oo waxaanu tagnay gurigii hooyaday.
Markii aan gaadhay waxaan isku-dayay innaan ka qariyo wax kasta, waayo marar hore oo aan dhibaatadayda u sheegtay wax natiijo ama isbaddel ah may keenin. Laakiinse saacado badan oo aan ka qarinayay waan sii qarsan kari waayay waxaanan u sheegay wax kasta, anigoo ooyaya.
Aabo ma noola, oo wuxuu geeriyooday 5 sannadood hor meherkaygii. Aniga waxaan ku ahay reerkayaga keli, oo ma lihi wax walaal ah. Hooyo geeridii aabo ka dib waxay guursatay nin kale, oo waxay korisaa 2 carruur ah oo aannu walaalo nahay. Mar kasta waxay igu odhan jirtay waxaad noqotay qof weyn, ee waa innaad reer samaysataa. Ugu dambayn ninkan ayaa la ii guuriyey.
Maalintaas markii aan arrimahayga hooyo u sheegay waxay iigu jawaabtay;
La soco qaybta 3aad.
W/Q: Maxamed Faysal Cali
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...