Sharcinimada Qoraalkan Lagu sheegay Ururka Ay Ku Midoobeen Shirkadaha Laydhka Bixiya Ee "SEA"

0
Sunday June 26, 2022 - 09:05:47 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 737
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sharcinimada Qoraalkan Lagu sheegay Ururka Ay Ku Midoobeen Shirkadaha Laydhka Bixiya Ee "SEA"

    Garyaqaan. Yuusuf Biixi" Talasame".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garyaqaan. Yuusuf Biixi" Talasame".

Haayadaha Amniga iyo Baadhista Danbiyada u qaabilsan Qaranka JSL, Waxay masuuliyad balaadhani ka saarantahay inay hubiyaan, dhacdo kasta, oo aanay sida shacbiga iska rumaysan waxay maqlaan ama ay arkaan, balse waxaa muhiima ah inay baadhis ku sameeyan  cidii soo qortay qoraalkan aan Lahayn Jiritaanka Sharci



Intaan Laysla gaadhin ama aan laga gor gortamin laydhka wakhtigaas ayaa la bakhtiinayaa iyo lama bakhtiin karo, waxaa muhiim ah in xukuumadu ay ka jawaabto yaa awood u leh qoraal noocana inuu bulshada lawadaago iyo su,alahan hoos ku xusan.


1. Waa ayo cida soo saartay ee bulshada la wadaagtay war saxaafdeedkan bulshada khalkhalka galiyay?


2. Ururka Iskaashatada Shirkadaha Laydhka somaliland Sheegatay  ee loo soo gaabiyay (SEA), ma tahay mid leh jiritaan Qaanuuniya "Legal Entity"


3. Halkee ayay ku midoobeen oo ay ka diwaan gashan tahay daladani, yaa soo xulay, imisa shirkadoodbaa ku midoobay, sideebay isku doorteen xafiiskoodu waa halkee and so on?


4. Sheegashadan magac been abuurka ah iyo daladani khatar ma ku tahay amniga qaranka ?


4.ma jirtaa inay si khaldan u diideen awaamiirtii haaydaha qaranka ee ay khusaysay, man jirtaa awood aanay lahayn inay ku takrifashay ?


5. Ganacsato kasta ama kooxkasta oo isku ganacsiyiba ma intay aad yar iska kulmaan ayay magac iskaashato ama dalad ay la bixikaraan, mise waxaa jira xeerar iyo habraacyo lagu duwaan galiyo oo sharci ka dhiga iskaashato am dalad ?


6. Shirkadaha laydhka shida ee sharci ahaan uga duwaangashan somaliland ma yihiin kuwo ku dhawaaqay warsaxafdeedkan mise waa cid shaadhkooda sifo sharci daro ku isticmaalaysa?


7. Ururka ay ku midoobeen  shirkadaha laydhku waxay sadex xubnood ku leeyihiin komishanka madaxwaynuhu magacaabo sida uu dhigayo, Xeer Lr.81.2018 Xeerka Tamarta iyo korintada Somaliland balse waxaa iswaydiin leh sababta ay ugu yeelan waayeen xubnahoodii komishanka miyaanay ahayn jiritaan la,aanta dalad guud ee midaynaysa shirkadaha laydhka oo aan jirin awgeed?


Dhamaan su,aalahaas oo dhan iyo jawaabahooga oo aan hubo inaanay ka jawaabikarin dhamaantood ururka magacan "SEA" iska sheegatay, waxay cadayn u tahay inay baalmareen sharciyadii qaranka u yaalay, isla markaana waxay ku mu taysanayaan shakhsiyaadka qoraaladan lamabaradooda ku soo qoray in laga abaal mariyo ciqaabta sharci ee ay mutaysanayaan,


Sidaas darteed waxaan usoo jeedinayaa haayadaha ay khusayso inay talaabo sharciya ka qadaan intaan lagawada hadal warsaxaafadeedka ay inala wadaageen ee sharciga baal marsan isla markaana aan la quwayn waxaan sharciga waafaqsanayn.


Xaqsoore Waa Alle

Garyaqaan. Yuusuf Biixi" Talasame".

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...