Bani'aadamka Qaar Baa ( Abdi-Shotaly)

0
Saturday June 25, 2022 - 09:23:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bani'aadamka Qaar Baa ( Abdi-Shotaly)

    * N.B Bani'aadamka Qaar Baa, Baylah-uun Deyda-Yaaya!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Bani'aadamka Qaar Baa, Baylah-uun Deyda-Yaaya!

Maanta waxan halkan idiinku soo gudbinayaa maanso gaaban, taas oo ka waramaysa qaybaha ay u kala baxaan dhaqanadda dadku iyo wax kala haysta, ee uu mid waliba uu isagu isla hagaasan yahay. maansadan waxa la yidhaahaa" Bani'aadamka qaar baa" wax-yaabo badan oo mar kaste dhaca, iyo sidda loo kala fekero, nooc-yadda ay kala yihiin ,baad ka ogaan doontaa marka aad akhrido. ee ku soo dhawaadda waa tane:-

 

Bani'aadamka qaar baa, haddii aad Leg baruur leh,

Iyo siiso barwaaqo, oo bariis aad karisoo,

burcad aad ku dartay, isku biirso tidhaaho,

Babiso looga ridaayoo, balaayuun bal ka qaada,

Rabbiyaw na badbaadi, bal maxaa ka waraaqshay,

 

Bani'aadmaka qaar baa, suruc-yuun lagu beeray,

Bani'aadamka qaar baa, basarkii ka halaabay,

Bani'aadamka qaar baa,booliguun bal ku naaxa,

bani'aadamka  qaar baan, aan aqoonin banaanka,

Bani'aadamka qaar baa , baylah-uun deyda-yaaya,

 

Bani'aadamka qaar baa, bohluun qodqo-daaya,

Bani'aadamka qaar baa, is-bidaaya wax weynoo,

Iska buuxiyey neefoo, baaluunkii u ekaaday,

Af-kooddii banjaroo, sidda baar-qub gulaan ah,

Doobtii soo bixi-weyday, qanjihii barareen,

 

Ama beeb jabay oo, biyihii burqa-deen,

La butaacay bacaac, ku bukoodda wanaagga,

Bismi-laahiye khayrka, boggu uu ku xanuuno,

Baaban oon wax ogayn, nin aanay beegsan karin,

Barabr-kiisa is taagin, kaga qayliya baasha,

 

Wuxu buuga ku duugay, ku bayaansho xaqiiqdda,

Intay baal ka maraan, bogcad aan cidi joogin,

Ba'ayeey isla taaga, burbur-shuun tallo qeexan,

Ba'na aan akhri-yeen, waxad soo bandhigtoo,

Budh weyn uun ku garaaca, booli-xoofto ku waashay,

 

Waxay baabi'i-yaan iyo, balaayo aan u dhawayn,

Beerka soo gashadoo, bidhaan ruuxay rabaan,

Marku baalka ka qaado, sii bilaabaya buuq,

Burush ceeba la doonta, runa aan u badheedhin

Beenta uun falki-naaya, tusbax uun babi-naaya,

 

Ku hagoogta bustoo, ku baaqaaya ibriiqa,

Barbaareey i arkaay iyo, hebel baan bir ku jiiday,

Isla buufi-naya, aan maraynin banaanka,

Babac ay kora-yaan iyo, hadba buur isku qaada,

Waxba aan bixinayn , ku bariista tolaay,

 

La dhex booda bangar, baahi uu u qabaa iyo,

Wuxu baaji-nayaana, buugaagtii laga waayey,

Bestii oo la yaqaan, boxor aan naf lahayn,

Bakay-laa la maqaam ah, booga-hiisa la yaabo,

Bani'aadamka eebbe, markuu beeray duntiisa,

 

Illamaa berigaa, wuxu baabasho mooyee,

Barna soo kordhi-nayn, maskaxddii ka bukootay,

Isu haysta boqor, buju ruuxa yidhaaha,

Kula boodaya feedh, bal wuxuu ku dilaayo,

Kaaga baydhay-nin sheeg, halka beer-raqaysa!

 

Intaa waan barya-yaaye, waa in aan badh ka dhaadsho,

Baahidda wuu arka-yaaye, bal miyuu wax i siiyo,

Beesadaa u shaqaysto, guri-giisa ka buuxa,

buste maan huwadee, dhaxantay bil-bishay.

baraduu deganyey, dabka maan ka bakhtiiyo,

 

Ruux baa ka dambeeya, kugu diidaya beel,

Beri aanu colawnay, mar buu geel naga boobay,

Bilis buu naga qaaday, berked aanu lahayn buu,

Biyo uu ka cabay, wax sakaaro ka biirsan,

Baasha kaala galayoo, waa baabacadoo tima leh.

Ilaa uu ku budeeyo, ina uu bogsadaa.

 

* N.B Bani'aadamka Qaar Baa, Baylah-uun Deyda-Yaaya!

  Abdi-Shotaly,


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...