"Md. Muuse Bixi wuu ku saxan yahay inuu ku yidhaado Odayasha Koofiyad-bacle yaasha qabillka iyo ardayada...
Kaafiyad-bacle yaashu kaalin kuma laha Arimaha la xidhiidha dastuurka iyo siyaasada JSL balse waxa shaqdood tahay , Qabiilooyinka iyo Ardaayda igmaday wixi soo kala gaadha inay dhex dhexaadin ka galaan. Arimaha Siyaasiga ah ee JSL Xisbigyad iyo xukumadda waxa u igman oo shaqadooda tahay isu soo jiidkooda Golaha guurtidda oo ah Gole sare Siyaadeed ee JSL. Waa mid uu ku saxan yahay Md Muuse bixi inuu shalay kaafiyad bacle yaasha u sheegay in Guurtida shaqadood tahay kaalin dhex dhexaadinta Mucaarad iyo xukumadda haddii guurtida iyagga ka qayb-gelinayso kala shaqaynta dhex dhexaadinta inay Guurtidda u gaar tahay .
Ummadda Jamhuuriyada Somaliland waxay dhex dhexaadinta koofiyad bacle yaasha qabiilka iyo aradayadood ah ka gudubtay 2001/ 31 bishii shanaad dastuurka iyo xeerarkiisa kale duwan 97% kalsoonida ki siisay iyo aaminid buuxida
.
Sideedba na arimahan jira, ee hore u soo dhaci jiray waa kuwo ah dastuurka iyo xeerarrkiisa kala duwan ku qotoma markaana ay ku haboon tahay ina dhex dhexdinta laga gelaayo la joojiyo halkkaana lagu dhameeyo hananka sharciga si aanay dib u soo noqon kuwaas oo Hayadah dastuuriga ah dalku ka gudanayaan waajibaadkooda arimahan in dhex dhexaadin laga galo waxa ka quman iyadoo sharciga lagu kala baxo ,hadadanna waa mid la gudboon kuna waajib ah cid kasta oo qabta aragta ah in lagu xadgubayo xaquuqdeed dastuurka iyo xeerarkiisu u siiyeen la duudsinayo iyadoo awood dawladnimo loo adeegsnaayo inay u gudbisato gal-dacwadeed Maxkamada sare khasuusiga. Haddii kale arimahan waxay noqonaya kuwo aan laga gun-gaadhin oo mar kasta doorasho timaado joogta noqda sidda ay hadda joogta u yihiin. Dhinac xukumadda iyo mucaarad labadooduba waa u furan-tahay wado sharci oo ay ku garnaqsan karran , waa na ogyihiin labbaduba in fursad iyadaha ay tahay mid la gudboon hasa yeeshe waxa ay dib isagga taagayaan waa mid qudho oo aan ummada shacabka ah la la wadaagin oo ah in dhinac kasta dhanka uu u jeedo inay go,aanka maxkamad ka soo bixi doona uu ka soo horjeesananyo iyo inuu ayidi doono aanay kala hubin siddanna ay dib isagga taagayaan.
Waxa daliil u ah talaabadii barigii dhaweyd Maxkamadu ku laashay sharciga aan dhameystirneyn kii hore jiray na ku xaqiijisay inuu weli yahay ka kaliya ee jira halkaan farqadiisi aheyd in Ururadu ku soo baxayan doorshadda Golah degaanka ay Maxkamadu u bedeshay in ururada ku soo baxayan doorasho toos ah talabadan Maxkamada ayaa qof kasta ka jaahilsaraya markaan siinaya qeexitaan dhab ,labadda dhinac ee xukumadda iyo mucaarad ma ay dooneyn qaabka jawaabta maxkamadu noqtay barigii dhaweyd se waa ay aqbaleen madama ay tahay Haya,da khasuusiga sharciye dalka ugu sareysa oo go,aan ka ay gaadho aanu jirin meel kale oo looga sii gudbo mar kale waa lagga maarman in dib loogu noqdo iyada oo la weydinaayo labadda doorasho ee la isku hayo ta la qabanayo ee soo horeynaysa.
Qaabka u hogaansananta iyo ayididda Maxkamadu aragti ahaan waa wadada ku fadhida jiritaanka, dastuurka JSL iyo hananka dawlad nimo ummad ahaan aymu samaysanay markaan kalsoonidda iyo aaminaada siinay . Dhex dhexaadin iyo wax kasta oo mala-awal siyaasiga iyo dantiisa ummad ahaan ma aynaan siin kalsooni iyo aqoonsi waxyabaha ay iyo qababka aan waafaqsaneyn kaalinta dastuurka iyo haya,dah sharciga ee dalkeen JSL oo noqonaysa kaalinta Koofiyad bacle yaasha iyo siyaasiga ku daneysanaaya iyo wax kasta oo la mid ah .
Abokor Mohamud.
Aragtida muwaadinka JSL.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!