Qorshaha Dhisidda Waddooyinka, Fooqyada Iyo Masaajidada Ha Lagu Daro

0
Saturday June 25, 2022 - 08:54:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qorshaha Dhisidda Waddooyinka, Fooqyada Iyo Masaajidada Ha Lagu Daro

    W.Q: Faadumo Buuni

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W.Q: Faadumo Buuni

Waxa jira dad innaga ah, walaalaheen, waalidkeen, ama jaarkeenna ah. Waxay u hadlaan sida aynnu u hadalno, waxay u dhaqmaan sida aynnu u dhaqanno, waxay u noolyihiin sida aynnu u noolnahay, waynu ka mid nahay iyaguna waa innaga mid, haddana kuma darsanno qorshayaal badan  oo noloshooda u fudaydin kara, waayo in badan oo innaga mid ah ayaa ban tixgalin siin. Haddaynu siin lahayn ma sidan baynnu ula dhaqmi lahayn iyaga oo aynu ugu yeedhi lahayn magacyadan qalafsan ee qaydhin? Tan baddelkeeda waxay inooga baahanyihiin daryeel iyo danayn gaara ah. Niyadsami iyo naruuro wacan, hadal dabacsan iyo hawraarsan.

 

Waddo ayaa la sameeya kuma jiraan iyagu, haddana fooq baa la dhisaa lagumaba darsado qorshaha, haddana masaajid baa la dhisaa adigaaba sheegaya.



Dadkan haddaad iswaydiisay cidda ay yihiin, waa dadkeenna  laxaadkoodu aanu dhammaystirnayn sida lugaha, gacmaha ama indhaha. Waxay innooga baahan yihiin taakulayn dhinac kasta ah marwalba, waayo? Rabbi umuu waayin, iyaguna may dooran sidan balse waa qaddar Rabbi oo lagu eegayo samirkooda innagana la inagu eegayo in aynu u naxariisanno iyo inkale.

 

Waddooyinka marka la samaynayo ha lagu daro halkay mari lahaayeen dadkani. Ha loo sameeyo meel gaar ah oo dadka kale aanay marin. Hana loo sameeyo meelo gaar ah oo ay fadhiistaan. Gaadiidka kala duwan ee dadka qaada sidoo kale waxay u baahanyihiin, gaadiid iyaga u gaar ah in loo keeno sida; Basaska iyo tagaasida. Marka fooqyada magaalooyinka la dhisayo ha lagu daro kaabado gaar ah oo ay maraan dhibna aan ku keenayn. Fooqyadu waa dhowr nooc; kuwo loogu talo galay Hudheelo, ganacsiyo, dugsiyo ama jaamacado. Haddii dhaqaaluhu u ogolaado in ardayga laxaadkiisu dhammaystirnayn waxbarasho doonto, way adagtahay ardayga fasalka uu dhiganayaa yahay dabaqa saddexaad een lahayn lugo uu ku socdo in uu yimaaddo waxbarasho! Muxuu iman waabuu ka niyad jabayaaye. Sidoo kale masaajidada si aanay uga niyad jabin khayrka iyo wanaagga ka socda gaadhidooda waa in loo sameeyo kaabado ay mari karaan dadkani. Sidaas si la mid ah fooqyada ganacsiyadana iyagana ha loo sameeyo kaabado u gaar ah, iyo meelo u gaar ah oo ay fadhiistaan.

 

Waxay u qalmaan in sharcigoodu xoogaysto, lana xoojiyo. Waxay u qalmaan in aan maalin gaar ah la xusine, maalinkasta la xuso oo la xasuusnaado.Waxay u qalmaan sida iyaga codkooda loo raadiyo, in iyagana la doorto oo ay ka muuqdaan meelkasta oo laga arrimiyo ama ay shaqo ka socoto sida; Baarlamaannada, wasaaradaha, madaxtooyada, shirkadaha, ganacsiyada, jaamacadaha, dugsiyada, warshadaha, bangiyada I.W.M.

 

Waxay leeyihiin dhammaantood han iyo himilo fog oo heer sarraysa. Balse inteenna badani ma dareensanin arrintan. Waxa keliya ee inoo muuqda ayaa ah inay sitaan qori ay cuskadaan ama gaadhigacan ay ku socdaan. Waxaaba aynnu ka aaminsannahay in aanay aqoonba lahayn. Waxay u qalmaan waxbarasho tayo sare leh oo bilaash ah dhammaantood. Ugu danbayn waxay u qalmaan kaabis nololeed oo dhinac kasta ah.

 

W.Q: Faadumo Buuni                      

[email protected]

Hargeysa, Somaliland  

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...