Safarkii guurka sababay. Qaybtii 1aad.

0
Friday June 24, 2022 - 13:07:01 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safarkii guurka sababay. Qaybtii 1aad.

    Intii lagu soo socday gaadhiga ayaa Aamini oo faraxsani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Intii lagu soo socday gaadhiga ayaa Aamini oo faraxsani

Xasan iyo Aamina waxay isku barteen gaadhi safar. Ka hor safarka midna midka kale wax aqoon ah uma lahayn.

Waxay ahayd maalin jimce ah, ka dib markii Xasan damcay inuu safar booqasho ah ugu baxo gobol kale, si uu booqdo hooyadii oo qoys kale ku lahayd halkaas.


Xasan wuxuu ahaa arday dhigta jaamacada, sidoo kale wuxuu la noolaa edadii oo ku noolayd magaaladan uu waxbarashada ka wado.

Maalin ka hor ayaa wuxuu Xasan sii goostay tikidhkii baska ugu horeeya ee bixi doona berri oo sabti ah, si aanu waqti dambe u tagin gobolka uu u socdo oo fogaa awgii.

Xasan isku diyaari safar dheer. Subixii markii ay saacadu ahayd 8:30 subaxnimo ayaa Xasan soo gaadhay goobtii uu ka dhaqaaqayay safarkiisu. Markiiba wuxuu fadhiistay meeshii loogu talo galay inuu fadhiisto.

 Telefoonkiisa isagoo ku mashquulsan ayaa waxa albaabka kasoo gashay inan dhalinyar ah, una eekayd mid ay isku fil ahaayeen Xasan.

Fadhiisigii Aamina ka bacdi waxa indhaha ka buuxsaday Xasan oo la dhacay quruxda, dhererka iyo midabka qurxoon ee ay leedahay Aamini.

Isla markiiba waxa damac dhalinyaranimo dhex xulay qalbiga Xasan oo ahaa mid aad ugu yaraa haasaawaha hablaha. Damacu‘se waa mid ku abuuran qof kasta. Xasan oo dhinac ka eegaya Aamina, dhinaca kalena iska dhigaya nin aan eegayn ayaa nasiib wanaag waxay Aamina fadhiisatay kursiga ugu xiga Xasan ahna midka ka dambeeya kursigiisa.

Daqiiqado ka dib waxa soo koray dad tiro ahaan aan badnayn baskoo ay rakaab koobani maalintaa raacayeen awgeed, waxana uu dirawalkii war geliyay dadkii inuu safarkii xiligan oo ah 8:50 bilow yahay. Baskii wuu dhaqaaqay, oo wuxuu ku socdaa xawaare hoose, maadaama aannu weli magaalada buuqeeda ka wada bixin.
Dadku waxay markiiba ku mashquuleen telefoonadooda. Xasan ayaa wacay hooyadii una sheegay innuu safarkiisii bilow yahay, oo uu soo gaadhi doono ilaa caawa fiidka insha allah.

Waa sabti, oo Xasan wuxuu xidhan yahay khamiiskii uu shalay salaadii jimcaha kusoo tukaday. Aamina waxaad moodaa labiskeeda, innay xidhan tahay dharkeedii ugu quruxda badnaa. Udgoonka kasoo baxayana qof kastaa wuxuu sanka la raacayaa dhinaca uu ka yimid udgoonku.

Safarkii wuxuu socdaba Xasan oo lasii ashqaraarsan quruxda Aamina ayaa waxa la gaadhay xiligii qadada, iyadoon qofna qof kale afka u furin. Dirawalkii ayaa wuxuu ku hakiyay safarkii magaaladi ugu soo dhawayd ee Qadada laga cuni lahaa iyo salaadana lagu tukan lahaa.

Markii laga dagay gaadhigii lana qadeeyey, salaadiina la tukaday ayaa Xasan oo kasoo baxaya maqaaxidii is odhanayaa yara sug dadkii baska kula saarnaa, maadaama aannay gaadhin wakhtigii lagu balamay. Wuxuu iskaga mashquulsanaa telefoonkiisa. Halmar ayuu Xasan maqlayaa qaylo ka baxaysa meel aan sidaa uga sii fogayn, markiiba wuxuu eegaya halka ay qayladu ka imanayso, se nasiib-daro wuxuu arkayaa gabadhii Aamina oo lagu haysto lacagtii qadada, maadaama ay kala bateen lacagtay sidatay iyo qiimaha cuntadu. Xasan halkaas wuxuu ka dhex arkay fursad uu kula hadli karo Aamina, oo isla markiiba intuu u tagay ayuu ka bixiyay dhamaanba lacagtii qadada.

Intii lagu soo socday gaadhiga ayaa Aamini oo faraxsani damacday innay u mahad celiso Xasan, oo goorahaaba ka war dhawrayay hadal ka imaada dhanka Aamina. Waxa dhex martay sheekadan;


La soco qaybta 2aad.

W/Q: Maxamed Faysal Cali
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...