Madaxwaynaha iyo Shirgudoonka labada gole waxan ku Bogaadinaya Shirkii Tabashada Beesha Bariga Sanaag

0
Friday June 24, 2022 - 09:48:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 727
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha iyo Shirgudoonka labada gole waxan ku Bogaadinaya Shirkii Tabashada Beesha Bariga Sanaag

    Sidii loo fulin lahaa Qodobadii aad isla qaadateen Beesha Bariga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidii loo fulin lahaa Qodobadii aad isla qaadateen Beesha Bariga
Madaxwayne Muuse iyo Shirgudoonka labada Gole ee Guurtida iyo Wakiilada Somaliland waxan marka hore ku Bogaadinyaa Shirkii ku Qabsoonay xarunta Gobolka Sanaag Ceerigaabo ee ujeedadiisu ahayd Tabashada Saamiga Dowladda Somaliland ee Beesha Bariga Sanaag,

Waxanan leeyahay Madaxwayne Biixi iyo Shirgudoonka labada Gole waxaad Qabateen Qodob Horumar u ah Qaranimada Somaliland iyo guud ahaan Midnimadda Shacabka Somaliland gaar ahaan Shacabka ku dhaqan Bariga Gobolka Sanaag,


Sidaasi awgeed ujeedada Mowduucan oo ah Bogaadinta Tallaabada Horumarka ah ee ay wadajirka u qabteen Golaha Xukuumada iyo Golaha Baarlamaanka Somaliland waxan leeyahay Madaxwayne Biixi, waxay Madaxwayne ahaan kuu Tahay

Waxqabad Caddaaladeed oo aad fulisay wakhti Xileedkaaga Madaxwayne,
Sidaasi darteed anigoo muwaadin ahaan Xogogaal u ah inay jirtey Tabashadaasi Saami shaqaale iyo mid mansab ee Beesha Bariga Sanaag waxan Madaxwayne idinku dhiiri galinayaa in Beesha Bariga Sanaag aad u howlgashaan

Sidii loo fulin lahaa Qodobadii aad isla qaadateen Beesha Bariga Sanaag guud ahaan
Waxanan Madaxwayne kuu xaqiijinayaa in mustaqbalka dhow iyo mustaqbalka Fogba uu noqon doono Qodobkani mid Diwaanka kuu gala INSHA ALLAH

Waxanan Talo ahaan kuu soo jeedinayaa inaad Wasaaradaha(A) ah loo qoondeeyo sidoo kale in Agaasimayaasha Guud iyo Saraakiisha Ciidamadda iyo shaqaalaha wasaaraha wixii aad isla garateen Degdeg loogu Howlgalo hadii ALLAH yidhaa

Sidaa iyo Guuul WABILAAHI TOWFIIQ
ALLAH MAHADLEH
BY.MOWLIID AADAN CUMAR
HARGAYSA
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...