Magacyada Masuuliyiin Culculus Oo Ka Muquurtay Ka Qayb Galka Sanad Guurada 20naad Ee KULMIYE
Hargaysa (HWN) Wasiirka Caafimaadka Somaliland Xasan Gaafaadhi iyo Wasiirka Wasaarada Biyaha Cali Mareexaan ayaan saaka ka soo qayb gelin Xus loo sameeyay sanad guuradii 20naad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Xisbiga KULMIYE.
Waxaanay Ilo xogogaali uxaqiijiyeen warbaahinta in ay masuuliyiintani cadho kaga maqnaa xafladii 20 guurada xisbiga Kulmiye.
Gaafaadhi oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu culus ee xisbiga kulmiye islamaraakana ka mid ahaa masuuliyiintii u hanqaltaagaysay gudoonka xisbiga Kulmiye ayaa la rumaysan yahay in u ka cadhaysan yahay heshiiska xisbigiisu la gaadhay Maxamuud Xaashi oo Bishii Oct ee sanadkii hore laga saaray xisbiga, kaas oo mar kale saaka dib ugu noqday Kulmiye.
Sida aan xogaha ku helayno gaafaadhi saaka intii ay socotay xafladu waxa uu joogay xaflisklisa oo u ku shagaynayay.
Sidoo kale Wasiir Cali Mareexaan ayaa isaguna xaflada ka maqnaa, inkasta oo aan xagiisa wax diidmo ah ka jirin hadana wasiirka ayaa xaflada uga baaqday safar dibada ah oo uu ku maqan yahay.