Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Iska Xaadiriyay Xisbigii KULMIYE Ee Laga Saaray

0
Sunday May 22, 2022 - 10:54:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1432
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Iska Xaadiriyay Xisbigii KULMIYE Ee Laga Saaray

    "isla markaana damaciisii hore u kala irdheeyey Kulmiye"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"isla markaana damaciisii hore u kala irdheeyey Kulmiye"

Hargaysa (HWN) Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa saaka ka xaadiray madal lagu debaal degayo sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Xisbiga Kulmiye bishii May 2002-dii.



Maxamuud Xaashi, oo ka mid ahaa aasaasayaashii Kulmiye, oo sannadkii hore Xisbiga Kulmiye sheegay in laga saaray Xisbigaasi, ayaan la ogeyn wakhtiga dib loogu soo celiyey, balse ka qayb galkiisa shirkan, ayaa la rumaysan yahay inuu qayb ka yahay dedaallo iyo wada hadallo u socday muddooyinkii u dambeeyey Madaxweyne Muuse Biixi ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi, kaas oo dib ugu soo noqonayo Kulmiye, isla markaana damaciisii hore u kala irdheeyey Kulmiye uu fursad u haysto inuu Kulmiye dhexdiisa kaga loollami karo.

Loading...
Loading...