Xaaska Siilaanyo Oo Ka Hadashay Furista Ururada Siyaasada Somaliland
"Mahadnaq iyo salaan ayaan idiinka sidaa madaxweynaheenii hore"
Hargaysa (HWN) Marwadii Hore ee Qaranka Somaliland Aamina Maxamuud Jirde ayaa ka hadashay furista ururada Siyaasada Somaliland.
Marwo Aamina oo ah Xaaska Madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa sidoo kale Bulshada Somaliland lawadaagtay fariin uu usoo dhiibay Madaxwayne Siilaanyo.
"Mahadnaq iyo salaan ayaan idiinka sidaa madaxweynaheenii hore ee Axmed Maxamed Siilaanyo. Dawladda iyo Madaxweynaha iyo Qarankaba uu u soo ducaynayay "
Marwada ayaa hadalkan ka sheegtay madal loogu debaal degayo sannad-guuradii 20-aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Xisbiga Kulmiye bishii May 2002-dii.
Loading...
Loading...