Warar kala duwan oo ka soo baxaya muwaadin Jabuutiyaan ah oo lagu xiray Gabilay

0
Sunday May 22, 2022 - 10:16:06 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 967
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar kala duwan oo ka soo baxaya muwaadin Jabuutiyaan ah oo lagu xiray Gabilay

    Inkastoo aan sharraxada laga bixin ninkaan xarigiisa haddana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo aan sharraxada laga bixin ninkaan xarigiisa haddana
Aare


Waxaa maalintii labaad ku xiran degmada Gabilay ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Aare Saleebaan Cowleed oo ah muwaadin u dhashay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana xiray ninkaan sida wararku sheegayaan ciidamada ammaanka Somaliland, inkasta oo ilaa iyo hadda aysan dowladdu ka hadlin sababta loo xira, haddana waxaa la tilmaamayaa inuu yahay nin babaraha bulshada ka dhaliila madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.


Xarigga ninkaan waxaa xaqiijiyay mas'uuliyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland oo ku booqday Saldhigga uu ku xiranyahay ee Gabilay."Waxaan soo xaqiijinay in ninkaa gacanta Somaliland iyo saldhigga dhexe ee degmada Gabilay, ku jiro oo aan melena loo qaadin iminka sharcigeenuna ma oggala," ayuu yiri Xamse Khayre oo ka tirsan Xisbiga mucaaradka ha ee Wadani .

Xubnahaan booqday ayaa Xukuumadda Somaliland ku adkeyay in Aare Saleebaan Cowleed, haddii uu dambi galay lagu maxkamadeeyo gudaha Somaliland maadaama sida ay sheegeen uu haysto dhalashada Somaliland iyo tan Jabuuti,waxaana booqashadooda iyo soo xaqiijintooduba ay meesha ka saarayaan warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in ninkaan dalka Jabuuti dib loogu celiyay.

Xarunta madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Somaliland ayaa iyana war ka soo saartay kiiska ninkaan--"Xaruuntu waxa ay ka walaacsan tahay xadhiga Aare, waxana ay ka digaysaa in ay Somaliland dib ugasho khaladkii sharci ee ay gashay 2014, kaas oo ay muwaadin reer Somaliland ah oo magaciisu yahay Cabdilaahi Shiikh Cabdiraxmaan Ibraahim Jabuuti ugu gacan galisay iyada oo aanay jirin xeer ama sharci ay raacday kaas oo ilaa hadda Jabuuti ku xidhan, arrinkaas oo ahaa mid bini'aadanimada ka baxsan."ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xaruunta Xuquuqul Insaanka Somaliland.
Muuqaal dhawaan uu soo dhigay baraha bulshada Aare ayuu kaga dalbaday dowlada iyo shacabka Somaliland inay u hiilayaan oo aan loo gacan galin dowladda Jabuuti, isla markaana uu iyaga magan u yahay. Markii uu muuqaalkaasi faafay waxaa aad uga falceliyay oo baraha bulshada sheekada Aare ku wadaagay dadweynaha reer Somaliland oo muujiyay in ninkaan la garab siiyo si aan loogu dhiibin dowladda Jabuuti.

Inkastoo aan sharraxada laga bixin ninkaan xarigiisa haddana waxaa isa soo taraya walaaca laga muujinayo in dib loogu celiyo Jabuuti. Sidoo kale faah-faahin dheeri ah lagama hayo xogihiisa gaarka ah ninkaan, hase- yeeshee waxay wararku sheegayaan inuu caan ka yahay baraha bulshadu ay ku xiriirto uuna aad u dhaliilo madaxweyne Geelle. Aare oo ka soo jeeda Jabuuti ayaa muddooyinkii u dambeyay ku sugnaa Somaliland,waxaana jira warar is khilaafsan oo ka soo baxaya sida u Gabilay ku yimid.

Xogaha qaar ayaa sheegaya inuu ku yimid qaab magangalyo doon ah maadaama uu ka soo horjeeda madaxweynaha Jabuuti, warar kalana waxay sheegayaan in ehelkiisa ay deganyihiin oo sidaasi uu halkaa ku joogay ka hor inta aan la xirin.

bbc/somali
Loading...
Loading...