Wasaaradda Waxbarashadda oo shaacisay xilliga la qaadaayo imtixaanka dowladda

0
Sunday May 22, 2022 - 10:10:30 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 619
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Waxbarashadda oo shaacisay xilliga la qaadaayo imtixaanka dowladda

    Wasaaradda Waxbarashadda ee JFS markii ay wadatashi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Waxbarashadda ee JFS markii ay wadatashi


Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya, ayaa ardayda, waalidiinta, macallimiinta, maamulayaasha iyo dhammaan
bahwadaagta waxbarashada Soomaliyeed la wadaagtay shaacinta waqtiga qaadista
imtixaanka midaysan ee fasalka 12aad.


Wasaaradda Waxbarashadda ee JFS markii ay wadatashi ku saabsan qaadista imtixaanka la


sameysay bahwadaagta waxbarashada qaybahooda kala duwan waxa ay go’aamisay in waqtiga qaadista imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku
beegan tahay 18ka ilaa 22ka Juun, 2022.


 

Wasaaradda ayaa ku boorisay dhammaan ardayda
dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka. Sidoo kale waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana waxa ay ka rajeyneysay in ay ardayda ku garab-siin doonaan diyaargarowgooda.


Sidoo kale Wasaaradda ayaa xustay in Dhammaan ardayda ka qalin-jabinaysa fasalka 12aad ee sanad dugsiyadeedka 2021/2022 iyo ardayda ku hartay imtixaankii hore ee dib isku diiwaangeliyay si ay uga qayb-noqdaan imtixaanka.

sanadkaan waxaa loo diyaarinayay aqoonsiyadooda si ay ugu fariistaan imtixaanka iyaga oo ka heli doona dugsiyadooda. Arday waliba oo aan horay isku diiwaan-gelin kama qayb-geli doono imtixaanka sanad-dugsiyadeedka 2021

Loading...
Loading...