Villa Somalia oo faah faahisay Qaban qaabada xil wareejinta Madaxweyne Xasan Sheekh

0
Sunday May 22, 2022 - 10:08:09 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Villa Somalia oo faah faahisay Qaban qaabada xil wareejinta Madaxweyne Xasan Sheekh

    Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb geli doona

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb geli doona



Waxaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia ka socota qaban qaabadii ugu dambeeysay ee Madaxweynaha xilka kasii dagaya Mxamed Cabdullaahi Farmaajo uu xilka ugu wareejinayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.


Munaasabada xil wareejinta ayaa waxaa ka qeyb geli doona labada Madaxwyene ee xilka isku wareejinaya, Guddoonka labada Aqal, taliyeyaasha Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale.



 

Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Xaashi ayaa sheegay in munaasabadda xil wareejinta ay ka wada Shaqeyn doonaan Guddi isku dhaf ah oo ka kala socda Madaxweynaha xilka kasii dagaya Mxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud..


Sidoo kale Afhayeenka waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in ay jiri doonto munaasabad weyn oo lagu caleema saarayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay ka qeyb geli doonaan wufuud iyo marti Sharaf Caalami ah.


Maalinta Berito oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in Barxadda Madaxtooyada munaasad ka dhaceysa in uu xilka kula wareego Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Loading...
Loading...