Muwaadin reer Jabuuti ah oo Somaliland loogu xidhay eedo uu u jeediyay Madaxweynaha Djibouti

0
Saturday May 21, 2022 - 20:38:01 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin reer Jabuuti ah oo Somaliland loogu xidhay eedo uu u jeediyay Madaxweynaha Djibouti

    Muwaadin reer Jabuuti ah oo Somaliland loogu xidhay eedo uu u jeediyay Madaxweynaha Djibouti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadin reer Jabuuti ah oo Somaliland loogu xidhay eedo uu u jeediyay Madaxweynaha Djibouti


Hargeisa(HWN):-Aarre Sulayman Cowleed, oo ah muwaadin reer Jabuuti ah oo muddo ku noolaa Somaliland, ayaa loo taxaabay Xabsiga magaalada Gabilay oo uu ku nool yahay, kadib markii uu dhaliilo baraha bulshada uga jeediyay Madaxweynaha Jabuuti.


Aarre oo muuqaal qarsoodi ah iskaga soo duubay gudaha saldhiga booliiska ee Gabilay, ayaa sheegay in aanu garanayn, waxa loo soo xidhay, uuna ka baqanaayo in loo gacan galiyo dowlada Jabuuti, wuxuuna shacabka Somaliland ka codsaday in ay badbaadiyaan.


"Waa Aare Sulayman Cowleed oo jeelka Gabilay ku xidhan, oo wax loo soo xidhay aan garanayn, markaa, wakaa dee, dadkuna ha i ogaadaan waxa laygu xidhay waa waddankii abtiyaaladay, markaa sidii Qalbi-dhagax inaan la ii gudbin, 4 tii Milyan ama 9 kii Milyan, ee abtiyaaladay ee Isaaq dee ha ii sarakacaan maanta" Ayuu yidhi Aare.

Aarre ayaa muuqaal uu soo duubay intii aan la xidhin kahor, waxa uu sheegay in dowlada Jabuuti ay Somaliland ka codsatay in la aamusiiyo, oo aanu mar danbe Somaliland gudaheeda kasoo dhaliilin madaxda Jabuuti " Saaka waxa isoo gaadhay fariin uu soo faray taliskii Jabuuti, oo uu leeyahay, 'ninka abtiyaaladiin baad tihiine ama muuqaalada ka joojiya, ama noosoo gudbiya' reeraha yagii xagan joogay ayaa lala soo hadlay".

Garyaqaan Guleed Axmed Jaamac (Dafac) oo kamid ah garyaqaanada reer Somaliland ee u dhaq dhaqaaqa xoriyada hadalka, ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in loo xaqiijiyay in Aarre loo haysto, dhaliisha uu u jeediyay madaxda Jabuuti.

"Waxa la ii xaqiijiyay in xadhigga Aarre Sulayman Cawleed uu la xidhiidho dhaliilo la sheegay inuu u jeediyay Madaxwaynaha Jibuuti. Waxa cid walba oo damiir leh waajib ku ah inuu ugu baaqo xukuumadda Somaliland: 1. In aanay u dhiibin Aarre xukuumadda Jabuuti. 2. Inay xorriyadiisa u soo celiso" ayuu yidhi Dafac.

Wali xukuumada Somaliland may faah faahin xadhiga Aarre oo hooyadii kula noolaa magaalada Gabilay, isla markaana aan si xora ugu noolaan karin waddankiisa Jabuuti, xukuumada Jabuuti oo uu ka fikir duwanyahay awgeed.
Loading...
Loading...