Waxyaabo aanad ka ogeyn noqoshada qoraa!

0
Saturday May 21, 2022 - 19:06:01 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 831
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxyaabo aanad ka ogeyn noqoshada qoraa!

    Waxa aad isweydiineysaa: waxa ay yihiin amma waxa ay noqon karaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aad isweydiineysaa: waxa ay yihiin amma waxa ay noqon karaan.


Marka aad dooneysid in aad noqoto qoraa, waxa muhiima inaad wax badan ka war-heysid. Noqoshada qoraa waa nolol kale. Waxaa aad yeeleysaa dabeecado ka duwan kuwa aan qalinleyda aheyn. 

Waa dabeecado yaab badan. Kuwan aan kuu soo wado waxa si cad loo ogaadaa, marka guyaal lagu soo dhex jiro qoraalka. Waa dabeecado uu isku arko marka uu qofku noqdo qoraa, balse aanu isku arag inta hore!


Arrintu kaliya maaha daabeecad, waxaa kale oo jira waxyaabo badan oo aanad ka ogeyn, noqoshada qoraa! Weynu faahfaahin doonaa ee I la soco.

Waxa aad isweydiineysaa: waxa ay yihiin amma waxa ay noqon karaan. Akhriste, kugu raajin maayee, hore ayaan kugu soo qadimi ba. Waa kuwan ee bal ogow:

1. Ugaadhsadaha fikradaha

Marka aad noqotid qoraa, waxa aad ahaaneysaa mid u heelan helidda fikradaha. Waxa aad geed dheer iyo geed gaaban u fuuleysaa, si aad gacanta ugu dhigi laheyd aragti(fikrad). Marka aad tagtid meel cusub waxa ay maskaxdaadu isweydiineysaa: talow meeshan ma ku jirtaa fikrad maqaal laga qori karaa? Haddii, aad la kulanto qof kugu cusub, markaaba waxa aad is odhaneysaa, kulankiinaa fikrad qoraal aad ka sameyn kartaa ma ku jiraa.

Waxa aad u hammuun qabtaa, sida aad wax u qori laheyd, taasina waa sababta aad u noqotey ugaadhsadaha fikradaha. Aad ayaa u jeceshay inaad fikrad heshid.

Marka aad isku aragto dabeecaddan, waxa ay summad u tahey inaad qoraa tahey! Bal ogow taa.
La soco qodobka

 2aad.
Xasuusin: Qormooyinkan oo taxane ah, kala soco bogga Qalin iyo Qormo
W/Q Maxamed Haybe Axmed.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...