Md. Xassan Sheikh waxaa ku soo xoomay Dad leh Talaan ku siinaa. ( F.S: 1aad)
Dadka Talada bixinaayo qaarkood wax aynan Aqoon ayeey
in ka yar hal usbuuc, waxaa Toos Talo u siiyay in ka badan 11.000 Qof, si Dadbana waxaa isgaarsiinta u soo marsiisay ugu yaraan 30.000 Qof. ( F.S: 2 & 3aad)
Dadka qaar waa sida Dhakhtarka Cilmi nafsiga oo kale. Macluumaadka uu rabo in uu gudbiyo ayaa isaga Xanuun ku hayo, Marka uu gudbiyo waxa uu dareemaa in Xanuunkii daayay, oo culeys ka degay uuna caafimaaday.
Dadka Talada bixinaayo qaarkood wax aynan Aqoon ayeey Talo ka bixinayaan. Kii Beeraha Bartay waxa uu Talo ka bixinaa Nabadgalyada, kii Nabadgalyada bartay waxa uu Talo ka bixinaa Ganacsiga, kii Makaanik ahaa waxa uu Talo ka bixinayaa Siyaasadda, Taxi Driver isagu wax kasta ayuu Talo ka bixiyaa.
waxaa kale oo jiro kuwo, Talo ku bixinayo Qof aynan si dhab ah aqoon fiican ugu leheyn in ey Amaanaan, kuwo kalena Qof ay iyagu necab yihiin ayeey ku dirayasn Madaxda, waxaa kale oo jiro, kuwo wato Talo qorsheeysan oo ey ku marin habaabiyaan Madaxdana waa jiraan.
William Churchill oo ahaa Ra'iisul wasaarihii hore ee Ingriiska wakhtigii Dagaalkii 2aad ee Aduunka, ayaa lagu yiri: iyada oo la duqeeynayo Caasimadda Dalkaaga oo la wareersanyahay ayaad Haddana Gaartay Go'aano wanaagsan oo Dalka lagu Badbaadiyay Sideey ku dhacday, waa maxaay Sirta ka dambeeyso?. waxa uu yiri: Wax weyn ma ahan, Saacado badan ayaan hurdayay, si Aniga oo Degan aan Go'aan u gaaro, intii Aniga oo dhafray oo Maskaxda ka dhalay aan Go'aan gaari lahaa.
Haddii aad Madax tahay, Xil kasta oo aad heeyso, Maskaxdaada ka ilaasho kuwa rabo in ey ka dhigtaan Qashin qub.
Qore: Yahya Amir
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...