Xuska 18 May: Dhacdooyinkii Gacan-ka-hadalka Keenay

0
Friday May 20, 2022 - 19:23:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska 18 May: Dhacdooyinkii Gacan-ka-hadalka Keenay

    W/Q: Cali Cabdi Coomay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Cali Cabdi Coomay

Ugu yaraan laba dhacdo ayaa ka dhacay goob aanu aniga iyo koox kale si toos ah uga daawanaynay dabaal-deggii xuska 18 May ee sannad-guuraddii 31-naad ee la soo noqoshada madax bannaanida Soomaalilaan. Labada dhacdo waxa u dhexeeyey 30 miridh.



= Iyada la wada aamusan yahay oo qof kastaa daawanayo ciidamada kala duwan ee marayey goobtii ay madaxda qaranka salaanta ku siinayeen, ayuu nin aan markii hore goobta joogini daf na soo yidhi. wuxuu si aan hubsiimo lahayn u yidhi” waar ma Oktoobartii Isaaqaa?” waa taa la wada eegay, inuu kaftamayo ayaa meesha ma muuqata, hasayeeshee nin goobta nala fadhiyey oo u muuqday inuu ka mid ahaa askartii SNM ayaa si cadho leh uga jawaabay, kuna yidhi” ma kuwii dawladdii Afweyne laga burburiyey ayaad tahay”. Markay halkaasi maray ayaanu doonay in aanu xaraarada labada nin dejino, hasayeeshee ninkii SNM ta ahaan jiray ayaa markiiba gacanta qaaday oo ninkii nabar u geystay. Kala qabanay, arrintiina xallinay.


= Nin wadaad ah ayaa isna goor dambe oo aanu arrintii labada nin xallinay, nagu soo biiray. Wuxuu ahaa nin si u yara deg degaya, isaga oo aan hubsan waayaha meesha yaala ayuu yidhi” waar maxaad fushuqan iyo dambigan ka daawanaysaan ayuu af buuxa ku yidhi”? nin dhalinyarro ahaa oo u dhawaa ayaa si cadho leh ugu jawaabay ” Daacish-ta argagaxisada ah ee noocaasii oo kale ah waxba kama qorno.” Wadaadii ayaa cadho jiq nqoday, markaasuu yidhi waar ma anigaa Daacish ah”, iyo maxaa kaa galay waxaanu daawanayno adiga, ayaa la is-weydaarsaday. Nin oday ka ahaa goobta oo ugu weynaa ayaa kala dhexgalay oo wadaadkii ku yidhi” dadka waxooda u daa, adna Daacishta ha lagaa daayo.” La kala aamus. Waanu iska sii wadnay daawashadii ilaa dhammaadkii.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...