"Wax kasta oo aad sawwiran karto, waad qaban kartaa" !

0
Friday May 20, 2022 - 14:08:20 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 792
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Wax kasta oo aad sawwiran karto, waad qaban kartaa" !

    Sawirrashada(Imagination):

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirrashada(Imagination):


Sawirashaddu Waa waxa ugu weyn ee keenta hal-abuurnimadda qof.

Sawirashaddu wax kale ma aha, waa inaad maskaxdaada Muuqaal ku samayn karto, Muuqaalkaas oo ah Mid aanad hore u arag. Tusaale, Mar-Marka qaar waxaad vedio ahaan Maskaxdaada uga daawataa wax aanad wali samayn balse aad u hammootay waxa kusoo hor istaagaya dhacdooyin isku xig-xiga oo aad faacil katay.
Waxaan filayaa inaad ila fahantay sawirashadda.


Sawirashadda waxa loo qaybiyaa laba;
1-Sawirasho farsamayn ah iyo
2- sawirasho hindisid ah.
1- Sawirashadda Farsamaynta ah, Sida magacaba ka muuqata, waxaad farsamaynaysaa Fikrad Hore

 deegaanka uga jirtay, Adigoo ugu horrayn indho-indheynaa, kaddibna farsamaynaya wax ka geddisan fikradaas Balse isla qaabkii fikradda ah.

2- Sawirashadda Hindisadda ah, Tanna sida magacaba ka muuqata, Fikrad aan hore ujirin ayaad maskaxdaada ka curinaysaa.

Tani waa halka dadku ku kala dheereeyay, tobonaankii kunba Hal-qof ayaa Samayn kara, Waata Ay saynisyahannadu sameeyaan, Oo tusaale, Albert Einstein Markuu qaabaynayay Aragtidiisii "Special relativity" iyo "General relativity" Isagoo dhulka inala jooga ayuunbuu waxan sawiranayay.

Akhriste, Waligaa ma isku day-day inaad Sawirato wax qariib ku ah dadka kale ama aan hore loo Arag!?
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...