Xikmaddahan inagula jimcaysta

0
Friday May 20, 2022 - 13:01:11 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xikmaddahan inagula jimcaysta

    "Dadka wanaagsan ka ag dhowow oo ku milan, adna w'aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dadka wanaagsan ka ag dhowow oo ku milan, adna w'aad
1: "Hadiyadda ugu fiican ee aad waligaa naftaada siin karto, waa in aad ilowdo wixii tagay oo aadan ka welwelin timaadada."

2: "Noloshu ma fududaanayso, ee waa inaad adigu awoodaysataa."

3: "Dadka qaarkood in laga fogaadaa, waa naxariis Alle oo marmar waqtigu sababo."


4: "Waxa aan u malayn jiray waxa ugu xun nolosha in ay tahay kelinnimada; laakiin ma aha, waxa ugu xun nolosha waa la-joogista dad aad agtooda ku dareemeysid kelinnimo."

5: "Dadka wanaagsan ka ag dhowow oo ku milan, adna w'aad wanaagsanaaniye."

6: "Guul darro kasta oo qofka ku timaadda, waa laga yaabaa in uu kasoo kabto hal guul darro mooyee, guul darrada kaliya ee aan laga soo kaban, gadaasheedna la faa'iidin, waa marka uu addoonku Eebbihii la kulmo isaga oo caasi ah."

7: "Fahanka nolosha aad rabto in aad ku noolaato, waxa uu ku xidhan yahay fahanka nolosha aad hadda ku nooshahay."

Midee aad ku soo jiidatay xikmadahan?

Qalinkii: Maxamed-Deeq-Darajo
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...