Kuuriyada Waqooyi oo Covid ku dayaysa biyo-kulul iyo cusbo

0
Friday May 20, 2022 - 12:20:51 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuriyada Waqooyi oo Covid ku dayaysa biyo-kulul iyo cusbo

    Warbaahinta dowladda ayaa dadka kula talinaysa dhowr hab oo dawo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dowladda ayaa dadka kula talinaysa dhowr hab oo dawo



Kuuriyada Waqooyi ayaa la halgamaya cudurka Covid oo aad ugu faafaya dalkaas oo dadkiisu aysan tallaalneyn, sidoo kalena aysan haysan dawooyinka u sahla jirka inuu la dagaallamo waxyeellada cudurka.



Dalkan, wuxuu sanadkii 2020 xiray xudduudihiisa si uusan u soo gaarin cudurka safmarka ah. Madaxda hoggaamisa Waqooyi Kuuriya ayaa ilaa hadda diiday taageero caafimaad oo bannaanka uga timaada.


Warbaahinta dowladda ayaa dadka kula talinaysa dhowr hab oo dawo-dhaqameedyo ah, kuwaas oo lagula tacaali karo qandhada cudurka.


Biyo kulul


Dadka uusan hayn xanuunka daran ayuu wargeyska xisbiga talada haya ee Rodong Simnun u soo jeediyay inay isticmaalaan sanjabiil ama shaah malab leh iyo nooc caleen-shaah ah oo gaar ah.


Biyaha kulul waxaa suurtagal ah inay hoos u dhigaan calaamadaha qaar ee Koofidka, sida dhuun-xanuunka ama qufaca ama ay wax u taraan jirka bukaanka. Sanjabiilka iyo caleen-shaaha waxay yareyn karaan xanuunka. Laakiin cudurka uma aha dawo.


Biyo cusbo leh


"Kumannaan tan oo cusbo ah” ayaa loo diray magaalada Pyongyang si ay xal ugu noqoto waxa sababa cudurka, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda.


Daraasadaha qaar ayaa soo jeediyay in biyaha cusbada leh ay wax ka taraan fayrusyada sababa qabowga caadiga ah. Hase ahaatee, aad bay u yar tahay caddeynta loo hayo inay xakameyn karto faafista Koofid.


Telefishinka dowladda wuxuu sidoo kale dadka kula taliyay inay qaataan xanuun-baabi'iye iyo qallajiyeyaal.


bbc/soomali

Loading...
Loading...