"Muuse Biixi Wuxuu Samaystay Somaliland Gaar Ahe Xuduudeeda Ha Inoo Soo Sheego…" Faysal Cali Waraabe

0
Thursday May 19, 2022 - 18:30:25 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1800
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muuse Biixi Wuxuu Samaystay Somaliland Gaar Ahe Xuduudeeda Ha Inoo Soo Sheego…" Faysal Cali Waraabe

    "Maantana waxay keeneen in ay yidhaahdaan waan idin baabiinaynaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maantana waxay keeneen in ay yidhaahdaan waan idin baabiinaynaa



Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa si wayn uga biyo diiday furista urrurada siyaasada, isaga oo sheegay in furistoodu ay baabiinayso xisbiyada mucaaradka ee hada jira.


Faysal oo taageerayaasha mucaaradka kala hadlayay fagaara, ay ugu dabaaldegayeen munaasiba 18 May, ayaa sheegay in ka mucaarad ahaan ayna marnaba aqbalayn furista urrurada siyaasada.



"Maantana waxay keeneen in ay yidhaahdaan waan idin baabiinaynaa oo urruro yar yar, ayaanu soo saaranaynaa, maynu ka yeelaa, doorashada la sasabi maayo, Ina Biixi miyaanu sasabnaa waryaadaheen, miyaynu ka baqayna walaalayaal, waar waad qabanaysa hadii kale waad iska tagaysa” ayuu yidhi Faysal.


Faysal ayaa ku andacooday in Madaxweyne Biixi uu baadhis aan haboonayn galiyay guddida doorashooyinka, isla markaana uu qaar kamid ah guddida u sheegay in ay is casilaan.


"Koomiishankeeni ayuu baadhis galiyay, ma koomiishan la yidhaa hebalow iscasil ayaad aragtay, ma waxad aragtay wasiir hebalow xisbi ayaan kuu soo saarayaaye iscasil, Muuse Biixi wuxuu samaystay Somaliland gaar ahe xuduudeeda ha inoo soo sheego” ayuu yidhi Faysal.


Xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa kasoo horjeeda qorshe ay xukuumadu ku doonayso in ay doorashada urrurada ku qabato doorashada madaxweynaha kahor.

Loading...
Loading...