"Kuwa Imika Dalka Waa Loosoo Halgamay Ka Sheekeeya, Waa Doorasho Diid" Xamarji

0
Wednesday May 18, 2022 - 22:09:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kuwa Imika Dalka Waa Loosoo Halgamay Ka Sheekeeya, Waa Doorasho Diid" Xamarji

    "Halgankii SNM wuxuu u ee kaa Axmed Siilanyo oo 80 cod lagaga helay oo aqbalay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Halgankii SNM wuxuu u ee kaa Axmed Siilanyo oo 80 cod lagaga helay oo aqbalay"

Hargaysa (HWN) Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar Xamarji oo khudbad ka jeediyay munaasibada xisbiyada Mucaaridka  ay caawa ugu dabaaldegayaan 18 May ayaa sheegay in isaga oo yar uu dalka usoo halgamay, isla markaana halgankii wakhtigiisii la soo dhaafay.

 

"Aniga shakshiyan anigoo yar ayaan dibada ugu baxay 1986-kii, Aniga Injirbaa isoo gashay, waan u soo haradaay, ma ihi qof saaka loogu hanjabo Halgan, Iminka Doorasho marka laga wada hadlo waxa la odhanayaa waa loo halgamay waar halganka inagadaaya doorashaynu ka wada hadlaynaaye.



Halgankii SNM wuxuu u ee kaa Cabdiraxmaan Tuur oo xilka wareejiyay isagoon muddo xileedkiisi dhamaysan , Halgankii SNM wuxuu u ee kaa Axmed Siilanyo oo 80 cod lagaga helay oo aqbalay, kuwa maantu waa doorasho diid maaha halgan sheegasho ”. Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Xamarje 

Loading...
Loading...