Gudoomiye Saleeban Oo Sheegay In Uu Iscasilayo
Hargeysa (HWN)- Guddoomiyaha Golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka dhawaajiyey markii ugu horaysay toddobaadkan inuu iskaga nasan doonno xilka, maddama oo uu hawl-gabab yahay, xarunta Golaha Guurtida mar uu ka dalbanayey Xildhibaannada Golaha Guurtida inay ka aqbalaan Xildhibaan Muxumed Aw Axmed oo soo gudbiyey warqad istiqaalada oo hawl-gabay.
Guddoomiye Saleebaan ayaa shaaca ka qaaday inuu isaguba uu ku xigo Xildhibaankaas, maddaama oo uu hawl-gab yahay, isla markaana uu ka nasan doonno xilka, waxaanu sheegay inuu degaanka Qorulugud jiifsan doonno marka uu banneeyo jagada Guddoomiyaha Golaha Guurtida "waan taag darreeyey aniga qudhaydu wax-ba kama dambeeyee,malaa dhawr nin ayaanu nahay intayadda raggii waa weynaa ka sii joogta Golaha ,anniguna qorilugud ayaan jiifsanayaa oo waan ku xigaa.. "ayuu yidhi Guddoomiye
Dhanka kalene haddalka ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa si weyn loo haddal-hayey maal-mihii ugu dambeeyey,maddaama oo uu yahay haddal culus oo aan hore uga soo yeedhin Guddoomiye Saleebaan,kaas oo nuxurkiisa loo macnaysan karro inuu ku muujiyey inuu doonnayo inuu iskaga nasto xilka Guddoomiyaha Golaha Guurtida,hase-yeeshee waxaynu dhawr-naa waa sida uu xaalku noqdo bilaha iyo maal-maha soo socda iyo inuu Guddoomiye Saleebaan iska casilo xilka Guddoomiyaha guurtida iyo in kale