Kumuu Ahaa Madaxwaynihii Somaliland Ee Muuse Biixi Ka Baqayay In Uu Sumeeyo?

0
Wednesday May 18, 2022 - 07:22:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kumuu Ahaa Madaxwaynihii Somaliland Ee Muuse Biixi Ka Baqayay In Uu Sumeeyo?

    "isagu wuxuu ahaa nin rajiimkii hore ah oo weliba qoladii nabad sugida ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"isagu wuxuu ahaa nin rajiimkii hore ah oo weliba qoladii nabad sugida ah"

Hargeysa (HWN) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa hore u sheegay inuu kamid ahaa dhibaatooyinkii haystay ee ay ka socon weyday Xukuumaddii Madaxweyne Riyaale, waxaanu fagaare ka sheegay inuu kamid ahaa caqabadii diidanaa inay hore u socoto Dawladii Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin .

 

Madaxweynaha uu hadda muddo xilleedkiisii sii dhammaayo ee Muuse Biixi oo cahdigii Dawladi Madaxweyne Riyaale kamid ahaa xubnihii mucaaradka ku ahaa Madaxweyne Riyaale ee diidanaa xukunkiisa ayaa waxa kamid ahaa haddaladii taariikhda gallay ee uu jeediyey kuwan:-" Dhibaatooyinkii haystay Madaxweyne Riyaale Waxay ahayd inta aan kow ka ahay annigu ,sabab laba waddo ayaanu kale haynay ,isagu wuxuu ahaa nin rajiimkii hore ah oo weliba qoladii nabad sugida ah,anna waxaan ahaa qoladii jabhada,haddii mar wax na siinayo sun ayaan u arkaayey.”ayuu yidhi Muuse Biixi wakhti hore.

 

Dhanka kalene Muuse Biixi ayaa intaas ku sii darray "Waxa uu igu duxay maalintii uu xilka la wareegayey ayaa waxa uu u hadlay sidii Madaxweyne la doortay,waxaan idhi waar niyow ma indhahaygaa mise inanka yari sidan ayuu u wanaagsanaa ,illaa maalintii ayaan lahaa waar malaa haddii la iimaansan lahaa oo aan laga boodin yarku muxuu ahaa iyo xaguu inagaga yimi,wax baddan ayuu qaban lahaa.."ayuu yidhi Biixi


Loading...
Loading...