Maxaad Ka Xasuusataa 1 8 M A Y 1 9 9 1

0
Wednesday May 18, 2022 - 07:08:57 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Xasuusataa 1 8 M A Y 1 9 9 1

    W/Q: Xil- Cali Qaran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Xil- Cali Qaran

Waxa ay ahayd goobtu Berbera saacadu qiyaastii waxa ay ku aadanayd ilaa 11:00 meelahaa sanadkuna waa 1991, waxaa is qabsaday hoonka baabuurta waaweyn. Waagaa waxaa jiri jirtay in dadku samayn jireen muddaharaadyo loogaga soo hor jeedo dadka qoriga magaalada ku dhex sita waxaana logu magac daray DOONIMAYNADII. Tanise wey ka duwanayd taasi, waxaa yeedhay dhamaan magalada hoonka baabuurta waaweyn oo aan kala go lahayn, waxa aanu ku ciyaaraynay guriga aniga iyo Shiine oo ahaa mid ka mid ah ciyaalo xaafadkii aanu ciyaarwadaga lahayn. Waxa aanu soo yaacnay dibada si aanu baabuurtaa dabada u qabsano.



Jaba waa ka danbeeyee waxa aan xidhanay garan iyo nisig xiliga oo kululaa daradeed. Orod baanu is dhignay midkaayona mid muu dub u eegin laakin qofkasta yoolkiisu wuxuu ahaa sidii gawadhidaa aanu u fuulilahayn.


Waxa aan dabada ka qabsaday oo aan ka raacay gaadhiweyn halka misaajidka binu wacayska hortiisa gaadhiga dushiisa waxaa saran dad aad u badan oo aan hada ka xasuusanay jaamac madoobe oo hada u shaqeeya qaybta laydhka ee DPWORLD oo gacanta I qabtay si aan u soo faulo gaadhiga. Intii aan haa haabanayey gacanta jaamac waxaa iga dhacday Kab ka mid ah labadii dacas ahaa ee aan xidhnaa.


Nasiib wanaag laakin waan fuulay gaadhigii oo soconaya baabuurbadan oo kalena ka horayso sidayda oo kale dadbadan oo kalena dabada hadba mar qof gacanta lasoo qabanayeey.


Waxa aan kusoo wareegnay magalada ilaa uu gaadhigii noola jihaystay dhanka wadada burco looga baxo dadka badankisuna ku dhawaaqayeen xamar doonimayno dareewalkana laga codsanayey in uu burco nageeyo.


Anigu xiligaa ma garan mana fahansani waxa dadku u qaylinayaan oo ka duwan sidaan aqaanay oo ahayd doonimayno noqorisitaha doonimayno dayday walan, hada laakin dadku waxa ay ku dhawaaqayaan Xamar doonimayno iyo hadalo badan oo aanan hada xasuusan.


Waxa uu nagala baxay magalada walow intii aanu magalada ka bixin shidaal meel lagag sii shubay hada aanan tilmaanteeda si fiican u saxayanin maadam oo aan sagxada gaadhiga taagnaa hareerahana ragbadani saarnaayeen oo caleemo iyo goyaalba lulaya.


Runtii waxa aanu sidii ku galnay burco xili habeenimo kusii dhaw aniga oo dhaxan iyo qabaw dareemaya sidoo kale cidna aan ka aqoonsanay burco iyo meel aan u jihaystoona laakin ilaa hada waxaa ii cida jaamac oo aanu isku kacaan nahay markaa oo isagu hore marar badan hooyadii usoo raacay laakin magac reermooyee aan garanayn jiho aanu u wada dhaqaaqno. Wali waxa aanu saranay gaadhigii wax cunto ah maanu cuni dadkuna sidii doonimayno ayay uleeyiin anagu waanu xiiqnay gaajoonay oo aad yar baanu janbiga hoose ee gaadhiga dhexdiisa iska kuududnaa shiraaq gaadhigu lahaa dushiisa...


La soco

Xil- Cali Qaran

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...