Jubaland Oo Madaxwaynaha Cusub Ugu Baaqday In Uu Gacanteedda Ku Soo Celiyo Gobolka Gedo

0
Wednesday May 18, 2022 - 06:53:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jubaland Oo Madaxwaynaha Cusub Ugu Baaqday In Uu Gacanteedda Ku Soo Celiyo Gobolka Gedo

    "Ciidamada qaranka in qaar halkaasi lagu dhaafo, qaarkii sharci la'aanta lagu keenayna meesha laga saaro"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciidamada qaranka in qaar halkaasi lagu dhaafo, qaarkii sharci la'aanta lagu keenayna meesha laga saaro"

Maaamulka Jubaland ayaa waxay sheegeen in madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay ka rajeynayaan in uu gacanta Jubaland dib ugu soo celiyo maamulka gobolka Gedo.



Wasiirka warfaafinta ee maamulka Jubaland Suleymaan Maxamed Maxamuud oo BBC u waramay ayaa sheegay in madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ay ka rajeynayaan in uu xal u helo arrinta gobolka Gedo.


Dowladdii madaxwayne Farmaajo iyo maamulka Jubbaland ayaa saddexdii sano ee u dambeysay waxay isku hayeen maamulka gobolka Gedo.


"Hadda waxaan ka rajeynaynaa dowladda cusub inay qaabkii hore wax ka badasho oo maamulka sharciga ah sida sharciga ah ay ku soo celiso dowlad goboleedka Jubbaland," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubaland.


Waxaa uu wasiirka inta ku daray in sidoo kale ay doonayan in dib u heshiisiin laga sameeyo gobolka Gedo maadama uu khilaaf ka taagnaa sanooyiinkii u dambeeyay


"Wadahadal iyo dib u heshiisiin ay sameyn doonaan dowladda jubaland iyo dowladda cusub-na ay sameyn doonaan sidaana khilaafaadkii jiray lagu xalin doono ayaan rajeynayna, "ayuu yiri Mr Suleymaan.


Wasiirka warfaafinta ee maamulka Jubaland Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa farta ku fiiqay in dowladda cusub iyo maamulka Jubaland ay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii ay dowladdii madaxwayne Farmaajo geysay Gedo halkaasi laga soo saaro.


"Ciidamada qaranka in qaar halkaasi lagu dhaafo, qaarkii sharci la'aanta lagu keenayna meesha laga saaro maamul ay dadka ogol yihiin-na loo dhiso sidaa la ajligeed Gedo-na ay ku soo noqoto sharciyadii Jubaland sidaa ayaa noo qorsheysan" ayuu intaa ku daray.


"Madaxwayne Xasan Sheekh wuxuu wadanka soo xukumayay 2012 ilaa 2017-kii uu gaarsiiyay heer doorasho oo si xor ah ayuu xukunka ku wareejiyay sidaasi darteed waa nin nabad doon ah, waa nin og dhibaatada ka jirta Soomaaliya waxaan is leenahay khilaafaadkii iyo boogihii hore waxaan u aragnaa in uu tallaabo qaadi doono," ayuu intaa ku daray.


Dowladdii madaxwaynaha xilka ka sii degaya Maxamed Cabdulahi farmaajo iyo maamulka Jubbaland ayaa waxaa sanooyiinkii u dambeeyay ka dhex aloosnaa khilaaf xalkiisa loo maaro waayay.


Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo fara badan u daad-gureysay gobolka Gedo islamarkana waxaa meesha laga saaray maamulkii gobolka Gedo ee ay soo magacaawday Jubbaland.


Khilaafkaasi ayaa mar isu badalay gacan ka hadal islamarkiina ciidama kala taabacsanaa dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ayaa ku dagaalamay degmada Baledxaawo.


Khilaafka labada dhinac ayaa sii xoogeystay markii la soo gaaray doorashadii dhawaan la soo gabagabeeyay islamarkana heshiiskii ahaa in doorashada lagu qabto magaala madaxda gobolka Gedo ee Garbahaareey ayaa guuldareystay.


Ugu dambeyntii 16 kursi ee taalay Garbahaareey ayaa loo wareejiyay magaalada Ceelwaaq halkaasi oo lagu soo doortay.


Waxaa sidoo kale jiray 16 xildhibaan oo lagu doortay magaalada Garbahaareey taasi oo ugu dambeyntii uu gudoomiyaha golaha shacabka go'aamiyay in kuwa lagu soo doortay Ceelwaaq ay yihiin xildhibaanada sharciga ah.


Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in mid ka mid ah caqabadaha horyaalla madaxwaynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud ay ka mid tahay xal u helidda khilaafka gobolka Gedo

 

BBC

Loading...
Loading...