Afar Qodob Oo Lagu Xusuusan Doono Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
15-kii May
doorasho dhacday ayaa xilka madaxweynenimada lagaga guuleystay madaxweynihii
hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Inkasta oo uu xafiiska banaynayo maalmo
kadib, haddane waxa uu ka tagay xusuuso badan oo qaarkood ay tahay in
madaxweynaha badela uu xal ka gaaro, qaarkoodna ay noqon doonaan kuwa
taariikhda ku astaysan. Qaar ka mid ah xusuusaha ayaa ah kuwa wanaagsan oo ay
tahay in madaxweynaha cusub uu halkoodii kasii wadi doono.
Haddaba waxaan halkan kusoo koobaynaa
shan arrimood oo si weyn loogu xusuusto
Mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda
Inkasta oo dalka Soomaaliya uu
sameeynayay kobac xagga dhaqaalaha, horumarka iyo dowladnimada marba marka ka
dambeysa, haddane Maxamed Farmaajo waxa uu ku astaysanyahay, aadna loogu
xusuusan doono joogtaynta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowladda.
Arrintan ayaa waxa ay xagga hore kaga
xusnayd ololihii doorashada ee uu Farmaajo u galay dib u doorashadiisa.
Iyada oo horey loo bixin jirey mushaaraadka,
haddane Farmaajo waxaa si weyn loogu ammaanay joogtaynta mushaaraadta iyo
kordhinta mushaarka ciidamada.
Ciidamada ayuu mushaarka ugu soo
dhacaa taleefoonka gacanta, iyada oo la sameeyay nidaam suul-saar ah oo casri
ah oo ay adagtahay in qofka laga qaldo mushaarkiisa.
Muddo Kororsi
Bishii April ee sanadkii hore ayuu
Golaha Shacabka ansixiyay labo sano oo muddo kororsi ah oo loogu daray
hay'adaha dowladda oo uu ka midyahay madaxweynaha.
Arrintan ayaa timid kadib markii muddo
xileedkii madaxweynaha uu dhammaaday 8-dii feberaayo ee sanadkaas, aysana jirin
wax qorshe ah oo meel ool ahaa oo doorasho lagu qabanayay.
Arrintan ayay dhinacyada Soomaalida ee
siyaasadda si weyn uga soo horjeedsadeen, waxaana dhacay 19-kii April iska hor
imaad shacab iyo mid ciidan oo aad u xoog badan, iyada oo uu dhashay qalqalkii
ugu weynaa.
Siyaasiyiin iyo madax hore oo uu ka
midyihiin Ra'isulwasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo labadii madaxweyne ee
hore Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa siyaabo kala duwan
loogu rasaaseeyay magaalada Muqdisho iyaga ka banaanbaxaya muddo kororsiga.
Buuq iyo qalalaase kadib, Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka laabtay muddo kororsigii, waxaana la aaday
doorasho dadban oo jiitamaysay wax ka badan sanad iyo 5 bilood.
Eryiddii Haysom
Bishii Janaayo sanadkii 2019-kii,
dowladda Soomaaliya ayaa warqad in uu dalka ka baxa ah u jartay ergeygii
Qaramada Midoobay Nicholas Haysom.
Warqaddan waxaa qortay wasaaradda
arrimaha dibedda kadib markii Haysom uu warqad u direy wasaaradda arrimaha
gudaha, taas oo la xiriirtay rabshado ka dhacay magaalada Baydhabo oo la
xiriirtay doorasho halkaasi lagu qabanayay.
Waxaa Haysom lagu eedeeyay in uu
farogalin qaawan ku sameeyay arrimaha gudaha ee Soomaaliya. "Mr Haysom
wuxuu dhinac maray nidaamka iyo dhaqanka diblomaasiyadeed, wuxuu u dhaqmay sida
inuu yahay madaxa ama maamulaha dowladda Soomaaliya. Marka wuxuu cay ku yahay
dhaqanka UN-ta, wuxuuna gef weyn ka galay qaranka iyo madax-bannaanida
Soomaaliya," ayuu yiri wasiir Axmed Ciise Cawad oo markaa ahaa wasiirka
arrimaha dibedda Soomaaliya.
Warar mardambe warbaahinta kusoo baxay
ayaa tibaaxayay in xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uu seddex jeer taleefoon
kula hadlay Farmaajo, balse uu ka diiday in uu ka noqdo go'aanka eryidda
ergeyga.
Bishii Novembar 2021-dii ayaa sidoo
kale wasaaradda arrimaha dibedda ay dalka ka eriday ku xigeenkii AMISOm SIMON
MULONGO oo isna lagu eedeeyay farogalin qaawan.
Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo markaa ahaa wasiirka arrimaha dibedda ayaa sheegay in Mr Mulongo uu "ku kacay dambiyo waaweyn, go'aanka dalka looga eryayna uu ahaa mid loo baahnaa in mar horeba la qaato".
Arrintan ayay Soomaalida si weyn ugu
kala aragti duwanayd, dad badan ayaa u arkay tallaabo uu dhanka wanaagsan u
qaaday madaxweynaha, ahaydna farriin uu u direy shisheeyaha in aysan soo
farogashan arrimaha gudaha, balse kuwa kale ayaa tilmaamay in lagu xad gudbay
qawaaniinta caalamiga ah, aysana jirin meel ay ku qorantahay in Ergey Qaramada
Midoobay dal looga eryo.
Dhiibistii Qalbi Dhagax
Malaha wixii ugu weynaa ee lagu
xusuusan doono xilligii uu xilka hayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ah
dhiibistii Cabdikariim Muuse Qalbi Dhagax ee Itoobiya loo dhiibay sanadkii
2017-kii.
"Markii ay NISA la wareegtay
anaga neefta ayaa naga soo fuqday, waxaanan u qaadanay in NISA ay u dhaanto
Galmudug, oo uu ku nabad gali doono gacanta dowladda Federaalka oo aan kalsooni
aad u badan ku qabnay, balse taas ma dhicin, oo waxaa dhacday nasiib darradii
ugu weyneyd oo ah in ninkii loo gacangaliyo Itoobiyo" ayuu yiri Maxamed
Daahir oo ahaa sargaal ka tirsan ONLF oo BBC-da la hadlay.
Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ahaa
taliyihii Hay'adda Nabad Suggida markaas oo meel fagaaro ah la fadhiyay
Ra'isulwasaare Xasan Cali Kheyre oo warbaahinta wax ka weeydiisay arrinka Qalbi
Dhagax ayaa yiri "Waa arrin xasaasi ah, mana jirto cid hadda ka hadli
karta, waxaanan ka hadlaynaa waqtiga ku habboon".
Golaha wasiiradda oo shir yeeshay ayaa
difaacay dhiibistii Qalbi Dhagax, waxayna sidoo kale ururka ONLF ku dareen
liiska ururada argagixisada inkasta oo dalalka adduunka intiisa badan aysan
sidaasi u aqoonsanayn ururkan.
Balse baarlamaanka Soomaaliya oo guddi
u saaray arrinkan, fadhina yeeshay bishii Novembar ee 2017-kii ayaa sheegay in
dhiibista ay ahayd sharci darro, ONLF-na aysan ahayn urur argagixiso.
Madaxweyne Farmaajo oo bishii
Feberaayo 2018-kii wareysi dhif ah siiyay BBC-da ayaa ku gaabsaday in uu
taageerayo go'aankii ay baarlamaanka ka qaateen arrinka Qalbi Dhagax, wixii
markaasi ka dambeeyayna kama uusan hadlin.
Bishii May ee sanadkaas ayay dowladda
Itoobiya xabsiga ka siidaysay Qalbi Dhagax.
BBC