"Soow xabad diyaar uma tihidin iyo Aabe Muuse" Weedho nacasnimo ku gedaaman tahay.

0
Tuesday May 17, 2022 - 10:42:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Soow xabad diyaar uma tihidin iyo Aabe Muuse" Weedho nacasnimo ku gedaaman tahay.

    W/Q: C/Risaq Axmed Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: C/Risaq Axmed Jama

Maqaalada soo gaabi anigoo qaatay, waxaan in yar dul istaagi, halka ay marayso siyaasadda Somaliland.

 

Waxgaradka Somaliland waxay ka naxeen ficilada doqonimada ah ee ay maciinsadeen madaxdii umaddani dan moodaysay in ay kala dabaalan doonaan dhibaatooyinka laxaadka leh, ee ay la ciirccirayaan.

 

Xukuumadda maanta iyo Xisbiyadda mucaaridka ahi, haddii arinkoodii ku soo uruuray in ay isku diraan dhalinyarada reer Somaliland, waa wax laga naxo, lagana yaqyaqsoodo, oo keeni kara in umaddu wada tashi isugu timmdo, ma aha dagaal, sida ay aad idinku isleedihiin. Thuma, walaahi in reer Somaliland awgiin isu laynayn, ee idinka ayaa la idin waayi doonaa.  Umadda Somaliland waa dad waxgrad ah oo dulqaad badan, waxaana ay idiinka digayaan in aad dulqaadkooda aydaan u turjuman doqonimo. Waxay Umaddu idiinka fadhidaa in aad ka waantoowdaan ku gorgortanka nabadda iyo walaaltinima qarankani ku naaloonayay wakhtiga dheer, taa bedelkeeda aad la timaadaan tartan xalaal ah, oo xeelado siyaasadeed ku salaysan, ee aan ahayn kicin, iska horkeen iyo kala qaybin reer Somamliand.

 

Umadani ma geydo, idinkana yeeli mayso xabad isu qaata, ee la yimaada caqli kaa dhaama.  Hadii xeeladahiina siyaasadeed dhaafi waayaan islaaya, umaddu waxay abaabuli doontaa shir beeloodyo qaran oo ay Somaliland ku badbaadinayaan.

 

Alahayoow waxaan kaa barainay nabada, wadajirka iyo walaaltinimada reer Somaliland ood noo sii xoojiso.

 

C/Risaq Axmed Jama

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...