"Waar Waxba Lama Heshiine Xaaladda Ayaa Lagaga Baxayaa!!!!"
Kaftanka iyo Siyaasadda
Waxa Qoray Aqoonyahan -Jamaal Cali Xuseen
Beri hore ayaa daad
xoog leh ayaa wuxuu qaaday dad iyo duunyaba wixii ka ag dhawaa. Daadkii oo sita
Adhi badan, Riyo, Iyo Waraabe ayaa waxaa sheeda ka halacsaday isagoo dhulka
taagan Waraabe kale iyo Dacawo. Qolooyinkii daadku sitay Ileyn nafta haysoo
daadbaa sitoo cidina cid la hadli mayso Oo wax juuq leh Ma jiro.
Waraabihii halacsaday baa ka yaabay sida daadka loogu hogaansan yahay ee aanay cidina cid eegaynin ee isu leedahay Allow naga samato bixi oo ay xaalad xun Ugu jiraan qolooyinkii fiintu ka dhex ciyi jirtay. Hadaba qoladdii Dhulka taagneyd ayaa Waraabahii isagoo yaaban yidhi; " Waar goorma la heshiiyey!!!'" Kolkaasay Dacawaddii ku jawaabtay " Waar waxba lama heshiine xaaladda ayaa lagaga baxayaa!!!!"
Aq-Jamaal Cali Xuseen