Beeralayda Jaadka Kenya Oo Ka Hadlay Doorashada Madaxwaynaha Somaliya

0
Monday May 16, 2022 - 17:11:27 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1260
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Beeralayda Jaadka Kenya Oo Ka Hadlay Doorashada Madaxwaynaha Somaliya

    "Waxaanu rajeyneynaa horumar ka dhaca Soomaaliya iyo isdhexgal wanaagsan oo gobolka ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu rajeyneynaa horumar ka dhaca Soomaaliya iyo isdhexgal wanaagsan oo gobolka ah"

Beeralleyda ka ganacsata khaatka ee Kenya ayaa xalay si toos ah u daawanayay doorashada madaxtinnimo ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kale maalmihii la soo dhaafayna aad ula socoday halka ay mareyso.



Qoraal ay ku soo daabaceen boggooda Facebook, ayaa Ururka Ganacsatada Khaatka ee Kenya oo magacooda loo soo gaabiyo NYAMITA waxay hambalyo ugu direen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale loo doortay madaxweynaha Soomaaliya.


"Waxaanu rajeyneynaa horumar ka dhaca Soomaaliya iyo isdhexgal wanaagsan oo gobolka ah. Kheyr baan kuu rajeyneynaa mudane Madaxweyne." Ayay ku yiraahdeen qoraalka.


Ururka ayaa qoraal kale oo ay 12-kii bishan soo dhigeen boggooda waxay madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku tilmaameen "cadowga khaatka".


Khaatka Soomaaliya uga imaan jiray Kenya ayaa in muddo ahba ay mamnuucid saaran tahay, taas oo sida ay ganacsatada khaatka Kenya ay sheegeen ku keentay dhaqaalo xumo aad u daran. Arrintan ayaa sidoo kale xumeysay xiriirka labada dal.


Yaa markii hore mamnuucay khaatka?

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sanadkii 2016 markii ugu horreysay mamnuucay khaatka Kenya, taas oo saameyn weyn ku yeelatay ganacsiga khaatka Kenya oo markaas suuqo xumo la daalaa dhacayay.


Mar uu ka hadlayay shir uu u ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in ganacsiga iyo cunista khaatkaba ay saameyn ballaaran ku yeesheen Soomaalida ay qasab tahay in la mamnuuco.


Balse muddo kaddib ayaa dib loo fasaxay khaatka, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay dib u fasaxday khaatkii laga keeni jiray Kenya, ka dib wadahadallo dhexmaray madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya.


Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa wadahadal ka yeeshay arrimaha ganacsiga ee khaatkuna uu ka midka yahay. Kenyatta ayaa ka qayb galayay shir madaxeedka IGAD ee Muqdisho lagu soo gabagabeeyey bishii September, 2016.


Illaa iyo 16 duulimaad oo jaad sida ayaa maalin kasta aadi jiray Soomaaliya.

Ganacsatada iyo beeralleyda jaadka ee Kenya ayaa waxaa soo gaaray khasaare malaayiin doollar ah intii diyaaradaha jaadku ay xayirnaayeen.


Maxaa sababay in la mamnuuco?

Tallaabadii Xasan Sheekh uu ku mamnuucay jaadka Kenya ayaa xilligaas loo maleynayay inuu uga falcelinayay go'aankii ay Kenya ku dhawaaqday inay ku xireyso xeryaha qaxootiga Dhadhaab iyo dib u dejinta qaxootiga Soomaaliyeed. Soomaaliya ayaa arrintaas ku tilmaantay mid "aan sharci ahayn".


Kenya iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa dhex yaallay xilligaas muran ka dhashay badda kaas oo dowladdii xilligaas ee Xasan Sheekh Maxamuud ay geysay maxkamadda ICJ.


Kenya ayaa isku dayday inay Soomaaliya ku qanciso inay kiiska ka laabato si loo xalliyo muranka labada dal, balse taas ma aysan oggolaan Soomaaliya.


Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale ku hanjabay in ciidamada Kenya ee KDF uu kala baxayo Soomaaliya, isagoo u aaneeyay deeqaha oo laga jartay. Balse falanqeeyeyaasha ayaa waagaas sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu ciqaabayo Soomaaliya oo laa daalaa dhacaysay la dagaallanka Al-Shabaab.


Dowladdii Farmaajo oo mar kale mamnuucday jaadka Kenya

Bishii March ee sanadkii 2020, ayay dowladdii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo mamnuucday diyaaradaha ka imaanayay dibadda, oo ay ka mid yihiin kuwa sida jaadka, tan oo qeyb ka ahayd dadaallada lagula dagaallamayo xanuunka safmarka ah ee coronavirus.


Dowladda ayaa dadka ka mamnuucday inay meel isugu yimaadaan oo ay jaad ku cunaan, taas oo ka soo horjeedda sharciga kala fogaanshaha bulshada.


Waxay sidoo kale ka digtay in khaadka oo gacmaha lagu guro qudhiisa uu faafin karo xanuunka. Arrintan ayaa mar kale niyad-jab weyn ku keentay beeralleyda jaadka ee Kenya.


Ilaa iyo haatan waxaa jaadka Kenya ee tagi jiray Soomnaaliya saaran xayiraad.

 

BBC

Loading...
Loading...