Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka hadlay guusha Xasan Sheekh

0
Monday May 16, 2022 - 12:00:37 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1046
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka hadlay guusha Xasan Sheekh

    Doorashada Madaxweynaha JFS in ay inoo qabsoomto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashada Madaxweynaha JFS in ay inoo qabsoomto

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor), ayaa hambalyo udiray madaxwaynaha cusub ee Xassan Sheekh Maxamuud oo noqonaya madaxweynihii 10aad ee xalay kusoo baxay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay.


Madaxweyne Kaariye ayaa u rajeeyay madaxweynahe Xassan Sheekh Maxamuud, in uu Eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo doortay, isagoona ugu hambalyeeyay guusha uu ka gaaray doorashadii madaxtinimo ee ka qabsoontay magaalada Muqdisho taas oo soo af jartay marxaladihii kala guurka ahaa ee uu dalka soo maray.



 

Madaxweyne Axmed ayaa sidoo kale waxa uu bogaadiyay gudigii labada aqal ee lahaa qaban qaabada doorashada madaxweynaha dalka, iyo xildhibaanada labada aqal ee gutay waajibkooda dastuuriga ah, soona doortay madaxweynaha dalka hogaamin doona afarta sano ee soo socota.


MMadaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo loo doortay Madaxweynaha Cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.


Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha Cusub ee Dalka in Masuuliyada culus ee loo doortay uu Alle u fududeeyo.


Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhamaaal Hambalyo ah u diray Madaxweynaha Cusub ee DFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.


Madaxweynaha ayaa Alle uga baryay Madaxweynaha Cusub inuu u fududeeyo shaqooyinka horyaala isla markana uu la garab galo masuuliyada Cusub ee loo doortay.


Waxaa kale oo Madaxweynahu uu u mahad celiyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee muujiyay dhabar adayga iyagoo saacado badan u fadhiyay sidii ay u dooran lahayeen Madaxweynaha Cusub ee Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hambalyo u diray Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.


"Waxaan hambalyo u dirayaa Madaxweynaha 10-aad ee Dalka Mudane Xasan Shekh Maxamuud oo caawa ku guulaystay Tartanka Madaxweynanimo ee Dalka, waxaan Rabi uga barinayaa inuu xilka la garab galo kuna asturo


Madaxweyne Laftagareen ayaa ku ammaanay labada aqal ee Baarlamaanka cusub iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed dulqaadka ay ku wajaheen hannaanka doorashooyinka dalka oo soo maray marxalado kala duwan, isaga oo ku bogaadiyey laamaha ammaanka Soomaaliyeed sida ay habeen iyo maalinba ugu taagnaayeen xaqiijinta amniga doorashooyinka.


Ugu dambayn, Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Alle uga rajeeyey Madaxweyne Xasan Shekh in uu waafajiyo danta dalka, dadka iyo diinta.


Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya oo loo doortay Xasan Shiikh Maxamuud.


"Waxaan u hambalyeeynaya Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya loo doortay, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waa masuul hore usoo shaqeeyay wuxuuna ku yimi isbedel dalka ka dhacay. Waxaan u rajeynaya in Alle u fududeeyo Xilka loo doortay.

Waxaan u mahadcelinaya Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS intii codka isiisay iyo intaan isiin, Guddoonka Golaha Shacabka, Guddiga Doorashadda Madaxweynaha JFS, Labada heer ee Guddiyadii Doorashada Xildhibaanada kasoo shaqeeyay, Ciidamada Amniga sugayey iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo dadaal ku bixiyey in dalka Doorasho ka dhacdo.


Doorashada Madaxweynaha JFS in ay inoo qabsoomto, howl badan iyo shaqo badan ayaa laga soo maray, ilaahay ayaa mahadleh si wanaagsan oo nabad ah Illaahay dhameeyay, waynu wada guuleysanay isbedelka dhacayna waxaan rajeynaya in uu dalkeena u jiheeyo dhinaca wanaagsan.


Guuleysta,” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.


Madaxweynaha ayaa lafdhabar u noqday Isbedelka dalka ka dhacay, wuxuuna u rajeeyay mid Soomaaliya ku jiheeya nabad, barwaaqo iyo horumar wanaagsan.

Loading...
Loading...