Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Hambalyo & Digniin Udiray Madaxwaynaha Somaliya Loodoortay

0
Monday May 16, 2022 - 09:52:20 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Hambalyo & Digniin Udiray Madaxwaynaha Somaliya Loodoortay

    "madaxweynaha la doortay, waxaan uga digayaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"madaxweynaha la doortay, waxaan uga digayaa"

Hargaysa (HWN) Siyaasi Maxamuud Xaashi, oo kamid ah siyaasiyiinta wakhtigan miisanka culus ku leh siyaasada Somaliland ayaa hambalyeeyay Madaxwaynaha Cusub ee loodoortay Somaliya.



Siyaasi xaashi ayaa sidoo kale uga digay madaxwaynaha Cusub in aanu raacin dariiqii uu Farmaajo raacay intii talada dalka hayay.


Siyaasi Xaashi ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

Xasan sheekhoow, wixii  shalay ku seegay, yaanay maanta ku seegin.


Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadin balaadhan uga dirayaa, madaxweynaha cusub ee loo doortay dawlada Somaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.


Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa musharaxiinta aan guulaysan ee kala ah.

1. Mudane Siciid Cabdilaahi Dani

2. Mudane Xasan Cali Khayre


Kuwaas oo u tartamay si halw-karnimo iyo hufnaan leh, isla markaana muujiyay bisayl, iyo bir-labnimo badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaan ku waraystay, ama aan ku aqaan,  odaynimo, indheer-garadnimo, axdi, odhaah aan is bed-bedalin, iyo akhlaaq wanaagsan. Dadka reer muduga ah, ee uu Xasan Sheekh laftiisu ka mid ka yahay, waxay ku maah-maahaan,  labaatan jir mudug jooga, alle uma xil qarin.


Sidaa darteed, waxaan ku leeyahay Xasanoow, alle kaga baq amaanada iyo xilka culus ee aad ummadaada u qaaday. Madaxnimada iyo mansabka weyn ee aad maanta ku guulaysatay mar labaad,  ma'aha badhaadhe iyo barwaaqo aad ku bariisatay, ama kuu soo biirtay. Balse, waa bilowga  xil balaadhan oo leh xisaab iyo xanuun badan, ee waar hooy midhkaa xiska ku hay.


Dhinaca kale, madaxweynaha la doortay, waxaan uga digayaa in uu cagta dhabada saaro, dariiqii uu ku dayoobay,  duqii isaga talada dalkiisa uga horeeyay,  (Waa Farmaajo eh). Kaas oo salka ku hayey dulmi, dir-sooc, deris nacayb, dad isku wad la'aan , damac waalan iyo digteyrtarnimo.


Madaxweynaha cusub, waxaan ugu baaqayaa, in uu daacad ka noqdo ka midho dhalinta mashruuca wada hadalada labada dal, ee walaalaha ah ee Somaliya iyo Somaliland.


Wada hadaladii socday ee Somaliya iyo Somaliland, waxaa si badheedh ah, u raaf-jiiday una ragaadiyey, madaxweynihii hore  ee Somaliya  mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo .


Kaas oo caado ka dhigtay qiyaano, qiiq isku qarin, iyo qodxo la aaso.  Madaxweyne Farmaajo, magan alle'e ma lahayn habayaraatee, siyaasad quman iyo aragti qoto dheer, taas oo ku aadan qadiyada wada hadalada labada dal. Balse, wuxuu qorshihiisu ahaa mid aan ka badnayn, qarow iyo qiiro aan qolqolkiisa iyo qindigiisa dhaafsiisnayn.


Ugu dambayn, madaxweyne Xasan,  waxaan farta ugu fiiqayaa in aanay seegin, wixii shalay seegay.

Loading...
Loading...