Farmaajo Muxuu Ka Yidhi Guusha Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud?
Muqdisho (HWN) Madaxwaynihii hore ee Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmajo ayaa sheegay in uu u hambalyaynayo Madaxwaynaha Cusub ee xalay loodoortay Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Farmaajo oo baahiyay qoraal uu kaga hadlayo doorashada ayaa yidhi "Waxaan ugu hambalyeynayaa walaalkay Xasan Sheekh Maxamuud xilka loo doortay ee hoggaaminta dalka 4-ta sano ee soo socota, anigoo u rajaynaya in Alle u fududeeyo waajibaadka horyaalla.
Sidoo kale, waxaan ugu hambalyeynayaa Guddoonka iyo Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya biseylka dimuqraadiyadeed ee ay muujiyeen iyo sida ay ugu dhabar adeygeen wakhtigii dheeraa ee ay socotay doorashada Madaxtinimada dalka.
Marnaba waxaanan illaaweyn halganka nafhurnimada leh ee ay muujiyeen Ciidamada Soomaaliyeed ee geesiyaasha ah oo habeen iyo maalinba u taagnaa difaaca nolasha iyo hantida shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan sugidda amniga goobaha ay ka dhacday doorashada dalka.
Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba waxaan uga mahadcelinayaa taageerada xooggan ee ay u muujiyeen isbeddel doonka socda ee aan hoggaaminayo, anigoo kula dardaarmay in ay si la mid ah u garab istaagaan Madaxweynaha la doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud”
Farmaajo iyo Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa iskugu soo hadhay wareegii ugu dambeeyay ee Doorashada halkaasi oo uu kaga adkaaday Madaxwaynaha Cusubi Farmaajo.