Xasan Cali Khayre Oo Fariin Udiray Xildhibaanada Codaynaya
Muqdisho (HWN) Xasan Cali Khayre oo kamid ah Murashixiinta afarta ah ee usoo gudbay Wareega labaad ee doorashada madaxwaynaha Somaliya ayaa fariin udiray xildhibaanada dooranaya Madaxwaynaha Somaliya.
Musharax Khayre ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo udhignaa
sidan:-
"Maadaama aan usoo gudbay wareegga labaad ee doorashada madaxweynaha, waxaan ka codsanaya xildhibaannada sharafta leh iney fursad ii siiyaan inaan shaqo abuur u sameeyo 100 kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, inaan mushaarka xildhibaannada kordhiyo, inaan deyn cafinta dhameystiro oo aan dalka dhaqaalihiisa kor u qaado, inaan sii wado shaqooyinkii istaagay ee Dowladda, inaan maamul gobaleed walba hal isbitaal ka dhiso, inaan Al Shabaab soo afjaro iyo inaan dhiso Dowlad ay u dhanyihiin mucaarad iyo muxaafid, kuwaas oo ah dhammaan ballamadii aan ka hor sheegay baarlamaanka.
Waxaan rajeynaya in aad codsigeyga aqbali doontaan.
Mahadsanidiin.”