Shaqaalihii Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay

0
Sunday May 15, 2022 - 17:54:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalihii Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Shaqo Joojin Lagu Sameeyay

    "waxa hakad-galaaya hawlaha ay hayaan Shaqaalaha KDQ muddoda hawshaasi socoto"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"waxa hakad-galaaya hawlaha ay hayaan Shaqaalaha KDQ muddoda hawshaasi socoto"

Hargeysa, - (HWN)- Agaasimaha Guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Jamaal Maxamed Jaamac ayaa hakiyey shaqada shaqaalihii Komishanka Doorashooyinka qaranka ee Gobollada iyo Degmooyinka dalka kadib markii dhawaan khilaaf culusi soo kala dhex galay Komishanka Doorashooyinka qaranka.



Warqad uu Agaasime Jamaal ku socodsiiyey Guddoomiyeyaasha Gobollada ee KDQ ayuu ku war galiyey hakad shaqo oo lagu sameeyey shaqaalaha guud ahaan dalka ee Komishanka.


Qoraalka ogaysiinta ah oo Nuqul ka mid ah wargeyska Foore helay ayaa u dhignaa sidan:

"Sida aad ka warqabtaan waxa khilaaf soo kala dhex galay xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Waxaana Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu wareegto ku summadaysan JSL/XM/G/083-859/052022, ku Magacaabay Guddi baadhiseed madax bannaan taariikhdu markay ahayd 10/05/2022. Waxa uu Madaxweynuhu guddi baadhiseedka madaxabannaan u xil saaray inay kasoo talo bixiyaan khilaafka xubnaha guddida doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.


Sidaa darteed, waxa hakad-galaaya hawlaha ay hayaan Shaqaalaha KDQ muddoda hawshaasi socoto, heshiiska shaqo (Contract) ee shaqaalaha Gobollada iyo Degmooyinka dalka oo muddodiisu ahayd 4 Bilood. Waxa uu dib u bilaabmi doonaa Marka la xalliyo arrimaha guddida ayna shaqadu dib uga bilaabanto Gobollada iyo Degmooyinka dalka Maadaama aan dhanka Komishanka (Guddoomiyaha) laga saxeexin Heshiiskaas.


Sidaa Awgeed, waxa aan idinla socodsiinayaa in shaqadu dib u bilaabmi doonto marka ogolaansho socodsiin shaqo la helo, inta ka horraysana laga war sugo xafiiska KDQ. Waxaana aad sidaas ku war gelisaan shaqaalaha kale ee aad maamushaan”. Ayuu yidhi Agaasimaha Komishanka doorashooyinka qaranku Jamaal Maxamed Jaamac.

Loading...
Loading...